Dhalinyarta
Maantay iyo Qabiil maxaa kala heeysta???
- Qeybta 1aad
W/Q
Ifraax Yusuf A. G (Ifka)
Somalispeaker, Norway
FAAFIN
- Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
Waxaa na asiibay hadii aan nahay dhalinyarada soomaaliyeed dhibaaatooyin
xadkooda dhaafay, kuwaas oo ah kuwa aysan jirin cid noola qiirooneyso
ama xataa qirsan in ay nagu dhaceeyso.
Waxaan maalinkasta la kulanaa kala-sooc joogta ah, midibtakoor
iyo aflagaado aan la soo koobin karin sababta jiritaanka cudurka
gubay qalbiga shaqsiga walba oo soomaali ah waa Qabiile.
Hadii aan nahay dhalinyaro maantay ma heeysano raashin, hooy
wanaagsan iyo waxbarasho tayo wanaagsan leh oo aan horumar ku
gaari karno. Qaarkeen intaasba ma heeystaan ha xumaadaan ha
wanaagsanaadaane! Waxaan ku jirnaa jahawareer iyo yaan nahey?
waxaan jawaab u weeynaa oo aan aqoonsan la'anahay qofka aan
sida dhabta ah u nahay. Waxeey kuwa badan oo naga mid ah quud
iyo qiima noololeed ka ag arkeen qoray iyo qaadka, oo wax ay
dilaan iyo wax cuuryaamiyaan ka dhigeen dadkii oo dhan. Waxeey
noqdeen darbiya jiif u nool in ay noqdaan dilaaga qofkasta oo
soomaali ah iyo duugaha calanka iyo jiritaanka soomaaliyeed.
Waxaan ku qasbanaanay in aan kala doorsanay laba daran, oo aysan
jirin marnaba meel anaga noo wanaagsan oo aan horumar iyo madax
banaani buuxdo ugu gaari karno nolosha iyo itixaanka qofkasta
noloshaan ayaamaha ah ee dunida ku soo wajahda. Kuwa badan oo
naga mid ah ayagoo raadinaa nolol wanaagsan ayeey soo tahriibeen
waxeeyna ku li'ideen badaha iyo saxarada ku yaala Afrika iyo
Aasiya. Waxaa maalinkasta dhinta kumanaan ah dhalinyaro soomaaliyeed,
waa mid dhiban iyo dhibe aan ogeen inuu asba yahay dhibane lagu
soo afduubay qoray iyo qaad. Kuweena Yurubta iyo Waqooyiga Ameerika
degay waxeey la noolyihiin niyad jab iyo quus joogta ah, waxeeyna
beenshan dhiigooda ah soomaaliga, kuna hadlaan luuqada islaameed
ayagoo ka cabsanaa in la ogaado in ay yihiin soomaali hadii
ay ku hadlaan luuqada soomaaliga ah, kadibna lagu caayo ama
laga sugaa inuu baro ajnabiga oo la noolyahay dadka ay yihiin
soomaali iyo meesha ay degaanba.
Kuwa badan waxeey sheegtaan Jamaykaan iyo waddamada kale oo
ay u midibka egyihiin soomaalida sida Eratiriyaanka iyo itoobiyaanka.
Bal ceebtaas fiiri! Dhalinyarada soomaalida ah waxeeyna noqdeen
xamaale iyo daroogiiste aan wax faaiida ah dalka iyo dadka hooyo
u heeynin mustaqbalka dhaw iyo kan dheerba. Waxaa na kala qaybshay
dad aan aqoonin micnaha qofka soomaaliga ah iyo dhulka somaaliyeed
uu noo leeyahay, iyo odoyaal u shaqeeya calooshooda, oo kursi
iyo madaxtinimo jaceyl Illaaah ku ibtileeyay, xataa markay salaada
galaan ku digriya; Illaaahoow qabiilkayga maahane inta kale
laay, Illaaahoow magacayga maahane inta kale wax jiri haba ka
dhigin... Illaaahooow wixii aan aniga i rabin naarta ku fogeey
iwm!!! Meesha ay kaga duceeysan lahaayeen oo ay Illaah danbi
dhaaf iyo cafis ka weydiisan lahaayeen. Ileen waa dhiig cabayaasha
iyo qiyaanayaasha kalsoonida iyo jiritaanka dadka iyo dalka
hooyee.
Galbeedka waxaa noogu tashtay gaalo raba in ay helaan dad guryaha
u dhaqa, duqooshinkana u haayo, isla markaasna habeen iyo maalin
aan ka seexanin sida aan ayaga ugu diin iyo dhaqan u noqon laheeyn,
oo aan waxbarasho iyo mustaqbal sharaf leh hamigeena kaga saari
laheeyn. Intaas waxaa noo dheer waalidiin aan wax garan oo waxa
maskaxdoodu ku shaqeeyso ay yihiin jadwalka musiibada oo ah
jadwal oo sameeyay cadaw jiritaankeena iyo sharafteen neceb.
Waxaas
oo dhan wax kale noogama dhicin hadii aan nahay dhalinyarada
soomaaliyeed ee waa QABIILKA qalqalka iyo qiima la'aanta baday
caradeena iyo calankeen. Waa aragtay hadii aad tahay qof dhalinyaro
ah waa wax yar, oo waxuu qabiil kuu geeysanaa maahan wax la
soo koobi karo, ama aan xataa qisooyin iyo qalin u qaadan karno.
Waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas foolxumada badan kuwaan:
1. In aad la saaxiibtid oo aad aamintid qof aad soomaali
ka sokow isku qabiil tihiin: Dhalinyarta badankooda
waxaa waalidkood ku shubeen in aysan aaminin kuna kalsoonaanin
qof aan aheeyn DADKIISA, micnaha qabiilkiisa. Taas waxeey sababtay
in aan qofna kula saaxiibin in aan isku fahmeeyno dabeecad ahaan,
iyo waliba in qofkaas aan isku xiiso iyo feker nahay. Balsa
aan baadi goobno qof ah qabiilkeena, oo nala wadaaga magac oday
soomaaliyeed oo waa hore dhintay. Laakiin qofka dhalinyarada
ah ee aqliga saafiga ah iyo qalbiga weeyn oo soomaalinimada
iyo islaanimada ka buuxdo sidaas wax uma doorato ee waxeey u
aamintaa, una jeclaataa qof Illaah dartiis ayadoonan fiirineynin
midibkiisa, qabiilkiisa, shaqadiisa iyo noloshiisa shaqsiga
ah. Waxuuna qofka ku doortaa is fahan, isku dabeecad, diintiisa
iyo daacadnimadiisa iyo waliba inuu yahay qof an laheeyn calaamad
ka mid ah calaamadaha munaafiqiinta sida beenta, qiyaanada,
balan ka baxa iyo laba wajiilinimada.
2. In aad guursatid qof aad isku qabiil tihiin:
Arintaan guurka waa mida ugu dhibka iyo kadeedka badan oo sababta
QABIIL NAGULA DHICI KARTA HADII AAN NAHAY DHALINYARTA SOOMAALIYEED.
Maxaayeelay waalidkeen waxeey aaminsanyihiin " Waxaad taqaanaa
la guursadaa wax aad taqaano ha ku dhashee!" Maahmaahdaas
oo ah dabcan mid oo yiri qof tiisa ka hadlay, asigoo kala soocaa
soomaalida, una diidan qayb ka mid ah jiritaanka iyo waliba
in la guursan karo. Dabcan qofkaas waa naga guuleeystay oo maantay
dhalinyaru oo badan oo naga mid ah waxaa loogu diidaa guur iyo
nolol naxariis iyo jaceyl leh sababta QABIIL. Waxaa la hubaa
oo aan aheeyn sheeko ku tiri kuteen ah in waalidiin soomaaliyeed
gabadhoodii u diideen wiil loo nisbeeynaayay inuu yahay soomaalida
laga badanyahay, kadibna oo wiilkii bedeshay magacii iyo soomaalinimadii
asigoo sheeganaa inuu yahay dadyowgaan kale uu asal ahaan ka
yimid Afrikada madoow, balsa ku dhashay kuna koray Mareykan,
lana soo siiyay gabadhii sababta inuu sheegtay inuu yahay nin
madow laakin aan aheeyn soomaalida naga mid ah ee la liido.
Waa
suaale maxeey ku kala bedelanyihiin kan soomaaliga ah oo aan
la liidin iyo kan soomaaliga ah ee la liidaa? .Soo labadoodaba
sagaal bilood caloosha hooyadood kuma jirin, asaal ahaan Aadan
iyo Xaawo kama wada imaan? Sooma Rabi biliaadanka kuma kala
dooranin, oo kuma soo kala dhaweeysanin inta ay la egtahay cabsidooda
ay Illaah ka cabsadaan? Waxaan ognahay in wiil iyo gabar walba
oo is jecel ay maantay dhibaatadaas u bandhiganyihiin, weli
iska celin karin, waxaana la hubaa in boqolkiiba sagaashan ay
yihiin kuwa la kulmi doono cunaqabateyna jaceylkooda sababta
QABIIL. Kuwa badan ayaa loo dudumiyay guryahooda iyo jaceylkooda
sababta QABIIL, dhalinyaro badan ayaa naftooda u waayay ayagoo
raadinaa qofka ay jecelyihiin oo sababta QABIIL looga xaaraantinimeeynaa.
Mida kale oo ah dabcan wax lala yaabo, mudan in qofwalba iskala
weeynaado ayaa ah in aan rumeeysanahay in hadii gabadhaan/wiilkaan
aan jecelnahay uuan aheeyn qabiilkeena oo birito meel cidlaha
ah nooga tegi doono, na qiyaami doono ama DAN GAAR AH naga leeyahay,
maalinka oo gaarane na silcin doono. Taas waa been ay naga dhaadhacsiiyeen
dad aan aqoonin wanaaga iyo wada noolashada soomaaliyeed khaas
ahaan tan dhainyaranimo iyo lamaane.
Waxaa faafiyay dad raba toogashadeena iyo kala tageena. Meeqo
isku qabiil ah, ilmo adeer/abti ah ayaa maantay noloshooda kala
faniin iyo yaa taqaanaa ku dhamaatay? Meeqaa shalay magaca oday
dhintay la iskugu hibeeyay oo aan maantay xataa is fiirin karin,
xariirkooda walaaltinimo go'ay oo salaanta islaamka isku quurin
ceebta iyo ciqaabka ay isku geesteen dartood? Meeqaa maantay
ilmahooda laga qaatay oo ninkii/marwadii shalay la lahaa waa
qabiilkeena ay la tagtay oo aan la arkin? Bal adba! Hadii aanan
had ka hortagen, oo aan ka wada tashanin sida aan ka yeeli laheeyn
dhaqankaan foolxumada badan oo mustaqbalkeena lagu duduminaa
dhalinyaro waxaan noqon doonaa kuwa waligood u afduuban eray
oo yiri oday wa ahore dhintay, oo dunidiisa ka qaatay intuu
ku lahaa inuu teena noo aqoonsadane diyaarka ah. Waa in aan
la dagaalannaa si aan loo sii waddin dhaqan xumadaan aysan baneeynin
diinteena wanaagsan iyo aqligeena saafiga ah.
Hadii
kale waxaa qofwalba oo naga mid ah kaligiis lagu waajib yeeli
doonaa inuu is dhiibo, oo ka quusto jaceylkiisa, kuna noolaado
nolol uusan ku faraxsaneen. Hadaba dhalinyaro Guur waxuu ku
macaanyahay, oo naxariis, jaceyl iyo raaxo laga helaa markii
la isku qanacsanahay, la is fahmaa, raali la iskaga yahay, waxwalbane
sida hal qoys iyo hal qof loo sameeynaa. Maahane ayadoo cadawga
qabiil qalbigaaga ku rafanaa, qofka aad jeceshahay aadn u aqoonsaneen
jaceylka ay ADIGA ku qabto guriga iyo nolosha ay diyaarka u
tahay in ay kula dhisto ma arkidoontid nolol dhameeystirin mana
dhadhamin doontid waxa la yiraahdo jaceeyl oo buuxa.
3. Shaqada: Inta badan dadka soomaalida ah
waxeey moodaan in jagooyinka ay haayaan ay u haayaan dadka gooni
ah ama qabiilka ay ka tirsanyihiin. Sidaas darteed waxaa dalka
soo maray xili aan cidna shaqo lagu siinin ilaa magaca qabiil
maahane. Aqoon iyo shahaado waxeey noqdeen wax armaajooyinka
lagu sharaxdu, waxaana la gaaray heer laga xishoodu in shahaada
jaamacadeed la sheegto maxaayeelay wax laga helaa ama lagu sameeysanaa
maba jirto. Maantay sidoo kale waxaa dhacay in qofwalba oo shaqo
u doonto shirkad ka mid ah shirkadaha soomaalida ah ee shaqeeya
dalka dibadiisa iyo gudahiisa in la weeydiiyo qabiilkiisa ee
aan la warsanin aqoontiisa iyo shaahaadadiisa. Waxaana shaqo
kasta ka leh qofka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh shaqada
ninka magac ahaan u dhaw maamulaha ama milkiilaha shirkadaas.
Sidoo kale dadka qanacsada maantay waxeey isku raadsadaan qabiil,
waxeeyna si cad kuugu sheegaayaan inaysan ku kalsoonan karin
qof aan ku qabiil aheeyn. Arintaan waxeey dhibee qofka dhalinyarada
ah oo waxbarashada dhameeyay diyaarkana u ah inuu la shaqeeysto
dad soomaaliyeed oo ka faaiideysto aqoontiisa iyo aqligiisa.
Waxaa badatay shaqo la'aanta iyo waxbarasho la'aanta heeysata
dhalinyarta soomaaliyeed, maxaayeelay waxwalba waxaa aqoonsi
iyo ogolaansho looga dhigay QABIIL. Waxaad maantay la kulmi
kartaa qof dhalinyaro ah oo waxbarasho ilaa heer jaamaceed ka
soo baxay, saasta ay tahay aysan jirin meel oo shaqo u doonto,
waddo kastane laga soo xiray. Marka waa suaale goormeen ka faaiideysan
doonaan dadkeena leh aqoonta maxkasdooda iyo aqligooda? Goormeen
ka xoroobe doonaa cudurkaan ku dhacay qofwalba oo soomaali ah,
kana reebay horumarka aduunka iyo wada shaqeeynta caalamiga
ah?
Dhalinyaro waa in aan wada shaqeeyno, kana wada hadalno sida
aan kaga hortagi laheeyn dhibaatooyinka noo goonida ah oo uu
sida qaaska ah noogu haayo QABIILKA. Waa in aan fahanaa in aan
xaq u leenahay nolol, cadaalad iyo nabadgelyo aan laga sugeeynin
oday bac madow wata oo magaca qabiil dulmiga iyo kala sareeynta
bulsha weeynta soomaaliyeed ku holciya. Waa in aan ka maarmanaa
magaca qabiil, waa in aan ka maarmanaa daneyste, duleeyaha iyo
qiyaanaloow nala sheeganaa soomaalinimada. Waa in aan ku kalsoonaa
aqligeena , aqoonteena iyo bulshadeena, oo aan iska hilmaano
reer hebel ayaan ahaan jiray. Waa in aan hal miis wada fadhiisano
anagoo ku wada hadleeyno magaca DHALINYARADA SOOMAALIYEED, oo
aan loo fiirineeynin qabiil iyo tiro dad degen gobol, lana liideynin
kuwa naga mid ah, ayadoo laga fekeraa magaca qabiil oo ay wataan.
"Ba'ii waa Qabiil, waa midkii qayrkeen naga reebay, waa
midkii gumeysiga iyo gardaradaan na baday. Qabiil waa qaran
dumiye. Qabiil waa cadawga nolosheena iyo nabadeena."
W/Q Ifraax Yusuf A. G (Ifka)
Halkaan
Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker
- Editorial & Adminstration Board
© Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya