Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker


Miss Yi So Young Haweeneydii nasiibka u yeelatay inay noqoto Cirbixiyeenadii (Astronaut) oogu horeysay ee dalka Koonfurta-Kuuriya

FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya

Daxgacmeedkii (Soyuz-Rocket) oo ay saaran-tahay Haweeneydii nasiibka u yeelatay inay noqoto Cirbixiyeenadii (Astronaut) oogu horeysay ee dalka Koonfurta-Kuuriya u dirto hawada-sare ayaa si nabad-gelyo ah ooga duushay xarunta laga maamulo hawada-sare ee dalka Ruushka ee loo yaqaan (Baikonur Space Center).

Haweeneydan Reer Korea ee Miss Yi So Young ayaa waxa safarkeeda ku wehlihaya,Cirbixiyeeno u dhashay dalka Ruushka.


Miss Yi So Young oo faraxsan kuna sugan Daxgacmeedkii (Soyuz-Rocket) - Photo Indepedent

Gabadhan oo 29-jir-ah ayaa ku faantay inay dhaqanka Reer Kuuriya ay geyn-donto hawada-sare,isla-markaana ay ku dhex heesi-doonto Dayax-gacmeedka gudihiisa heeso dhaqameed ayna la qaadi doonaan,saaxiibadeeda ku wehliya safarka.

Miss Yi So Young ayaa rajo ka muujisay in safarkeeda ay ku farxi doonaan dhamaan dadweynaha ku dhaqan Labada Kuuriyadood.

"Waxaan rajeynayaa maalin ka mid maalmaha inay midoobaan Labada Kuuriyadood, waxaana rajeynayaa dadka Waqooyiga Kuuriya inay ku faraxsan-yihiin duulitaankeyga hawade-sare", ayey tiri haweeneydan oo dhoola-cadeyneysa.
Gabadhaan oo la weydiiyay kelimada afkeeda ka soo bixi doono marka ay caga-dhigato hawada-sare ayaa hadalkeeda ku soo koobtay:

"Waan qeylinayaa anigoo faraxsan waxaan oran-doonaa 'WOW'", ayey tiri Haweeneydan oo la hadleysay warfidiyeeno inta aysan u duulin hawada-sare. Miss Yi Young ayaa laga soo dhex-doortay araaji ay soo qorteen 36,000 oo qofood,waxaana safarkeeda ku wehliya Cirbixiyeeno u dhashay dalka Ruushka oo kala ah Oleg Kononke iyo Sergei Volov,waxaana la filayaa inay dib dhulka oogu soo noqdaan 19 April.

Magaalooyinka Seol iyo Pyong-Yong ee caasimadaha Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa isugu oo baxay Shacab qiireysan oo ku faraxsan safarka Haweeneydan.Haweeneydan iyo saaxiibadeeda ku wehliya safarka ayaa la filayaa inay dib dhulka oogu soo noqdaan sida qorshuhu yahay 19-April.


 

•  Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.