Warbxin Ku Saabsan Howlaha MSF Ee Ka Qabanjirtay
Somalia Iyo Baxitaankeeda Qeybta 1aad
Waxaa
isku duway:-
Dr. Hasan Abdi Kheyre
Dhageyso
Wareysi Laanta Soomaliga BBC la yeelatay Mas’uulka uku
sareeya MSF oo jooga Geneva
FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
Warbxin
ku saabsan MSF Ka Bixitaankeeda
Hay’adda
Dhaqaatiirta aan xudduuda laheyn ayaa shaacisay iney joojisay
hawlihii ay ka wadday gudaha Soomaaliya, taasoo ka dambeysay
markii magaalada Kismaayo lagu qarxiyey gaari ay shaqaalaheedu
ajnabiga ee saarnaayeen, halkaasoo ay ku dhinteen dhaqtar Kenyan
ah, farsamayaqaan faransiis ah iyo waliba driver Somali ah.

MSF Oo Wada Gargaar Bani'aadanimo - Photo BBC
Victor Okumu,
oo ahaa 51 jir dhaqtar qaliin ah kana soo shaqeyyay howlgalada
MSF Darfur and Sierra Leone; Damien Lehalle, a 27 jir farsamayaqaan
ah Somalia ayaa u aheyd howlgalgii labaad ee MSF, Billan waa
drawal Somali.
Dhamaan shaqaalahas MSF ayaa KA shaqeenaayay howlgal gargaar
qaliin oo septemper 2007 laka fuliyay klismayo.
MSF Somalia
waxay ka shaqeyneysay inkabadan 16 sano ayadoo xamruo caafimaad
ka furtay 11 gobal ee dalka somaliaa ayagoo shaqaalaha MSF Gaaraya
800 shaqaale oo ku jira 60 shaqaale caalami ah waxayna MSF la
talin caafimaad u sameysay 300,000 bukaan socod waxay adeeg
kale oo caafimaad u qabtya 10,000 bukaan sanad walba.
ka dib qarax
lala beegsaday MSF ayaa hey’ada MSf Xafiisyadeed Nairobi
iyo Geneva Kakal soo baxayn war saxaafadeed kuwasoo xusaayo
In MSF ee joojiyeen Howlaha Gargaar Ee Somalia.
war saxaafadeed ee soo saartay haweeneey afhayeen u ah MSf kuna
sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa xusaayay in Qaraxaasi
uu u muuqday mid abaabulan, sidaa darteed baan go’aan
uga qaadanay shaqaalaheena caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgalayey
ayaa ku xusnaa warsaxafadeedkaas eek u saxiixneyd Susan Sanders
oo afhayeen u ah MSF
sidoo kale
xarunta dhaxe ee MSF magaalada paris ayaa laka soo saaray warsaxfadeed
ku aadan dilka sadexda howlwadeen ee MSF “ waxaa ka fiirsaneynaa
howlaheena aan ka wadnay Somalia” sidaa waxaa yiri mas’uulka
uku sareeya MSF kasoo wareysi siinaayay laanta afka Somalia
BBC-da. [kor ka eeg wareysiga].
Adeegyada MSF Ee Somalia
Médecins
Sans Frontières (MSF) waxay ka shaqeyneysay mudo koofurta
iyo bartamaha Somali inkabadan 16 sano waxayna xarumo caafimaad
ka sameysay 11 gobal ee wadanka ka mid ah sida:- Bakool, Banadir,
Bay, Galgadud, Hiraan, Jubada Hoose, Jubada Dhaxe, Mudug, Shabelle
dhaxe, Shabelle Hoose and Bari
inkastoo MSF qaar ka tirsan gobaldaas ee shaqo cusub ka wada
uuna ka mid yahay gobalka hada qalalaasaha ka dhacay kismayo,
Mogadishu, Afgooye, Belet Weyne, Jamaame.
MSF Iyo Gobalka Banadir
benadir
msf waxay ka wadaa howlaha caafimaad ee farabdan ayadoo gabalkas
uu ku jira nabadgalyo la’aan,
degamada Dayniile September 2007 MSF waxay ka furtay isbitaalka
ku yaalo halkaas xarunta qaliin degdeg ah halkaaso ee dhigta
in kabadan 35 sariir waxaana halkaas si gaar u maamula MSF-France.
degmada Hawladag MSF-Holland May 2007 waxay ka furtay xarun
caafimaad oo laku baxnaaniyo caruurta iyo waliba xarumo mobile
clinic kuwaaso isbuuc walba howl ka fuliya xarumaha dadka soo
barakacay ku nool yihiin
degmada yaqshid MSF-Spain 1994 waxay ka furtay xarun (MCH) lakuna
baxnaaniyo hooyada iyo Caruurta primary health care iyo in the
area of Mogadishu since. In Balcad and Kaaran areas,
degamda Abdul-Aziz December, MSF-Spain waxay ka furtay xarun
cusub oo bukaan jiif ayadoo hal.lkas dhigtay 50 sariir.
MSF
Iyo Shabellooyinga
shabelaha
hoose degmada afgooye and Hawa Abdi, MSF-Holland iyo Swiss ayaa
waxay kakala fureen xarumo caafimaad kuwa laku quudiyo dadka
nafaqodarada ah ayago halkaas ka qabta howlo kae oo bani aadanimo.
shabeelaha dhaxe degmada Jowhar district, MSF-Spain ayaa xarumo
badan ka furtay gobalkaas sida xarumo bukaan socod, kuwa nafaqada,
MCH, kuwa laku daaweeyo haween la kufsaday.
MSF
Iyo Bay, Bakool
Bay degmada In Dinsor, MSF-spain ayaa waxay ka furtay isbitaal
weyn kasoo 4,000 bukaan socod bishii laku qaabilo ibsitaalkaaso
leh 85 sariir ee jiifanaa in kabadan 450 bukaan jiifr bishiiba
yado iuntaasi sii dheer kooxda MSF-Spain oo halkaasi jooga ee
sameeyaan wacyigelin caafimad, qaliimo daaweynta qaaxada.
Bakool degamada
xudur 2000, ayaa laga furay xarunta uku weyn ee MSf konfurta
iyo bartamaha somaliya waxayna qabataa howlgal caafimaad aad
u baaxad ha ahaadaan bukaan socod iyo bukaan jiif, daaweynta
kaadishiiga, nafaqodarada qaaxada.
waxaa kaloo gooba kale ee MSF howlo caafimaad ka qabtaan sida:
Labatan Jerow, El Garas, El Berde, and Rabdurreh.
La
Saco Qeybta 2aad Iyo Gobalda Jubada Dhaxe, Hoose, Hiiraan, Galgaduud,
Mudug, Bari
Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada
Somalispeaker - Editorial & Adminstration
Board
© Somalispeaker
Editorial Board - Nairobi , Kenya