Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker


URUKA DAQAATIIRTA DHALINYARADA SOMAALIYEED (Somali Young Doctors Association) Oo Howla Caafimaad Ka Fuliyay Dadka Soo Barakacay ee Ku sugan Duleedka Mogadishu.

   •  Xarumaha Shabakada Warbaahinta Somalispeaker – Admin & Editorial Board

  FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya  

Ka dib dagaalada magaalada Mogadishu ayaa kumanaan bulshda reer Mogadishu u qaxeyn ama u farxadeen wadooyinga waqooyiga iyo koonfurta u kaka baxa Magaalada, hadaba dadkaas ayaa waxaa lasoo darastay xaalada xaga bani'aadanimada ah oo adag, xaaladahaaso ayaa waxaa laka taabankaraa dhinacyada caafmaadka, nabadgalyada.



hadaba ayadoo jirta xaaladahaas bani'aadanimo ee adag ayaa waxaa jira hey'ada caalami ah iyo kuwa aan dowli aheyn kuwaaso had iyo jeer isku daya in ay daboolaan xaalaadahas marugsan ee ka jira goobahaas inkasto aan la dhihi Karin wee dabooleen hey'adahas ayaa waxaa ka mid UNHCR, WHO, Manhal, DRC, NRC, CED, Islamic Releif.

Uruka Daqaatiirta Dhalinyarada Somaaliyeed waa urur ee ku mideysan yihiin ardayda Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Benadir iyo dhalinyaro caafimaad oo da'yar ayaa waxay ka mid yihiin hey'adaha aan dowliga aheyn ee wax u qabtay dadka soo barakacay ee ku sugan Ceelasha Biyaha, Camp Mubarak, Km 13, Garasbaley, ururkaas ayaa howlaha uu u qabtay dadka soo barakacay ayaa waxaa ka mid aha visito lacag la'aan ah, baaritaan caafimaad oo lacag la'aan, qeybin daawo, baraarujin caafimaad iyo ugudbinta bukaanada xaaladooda adagtahay isbitaalada waa weyn ee magaalada moqdishu.





C/Qani Sheikh Omar waa gudoomiyaha fulinta ee Uruka Daqaatiirta Dhalinyarada Somaaliyeed SOMALISPEAKER ayaa kula kulantay Camp Mubarak oo degenyihiin dad soo barakacay halkaaso ururkooda uu ka semeynaayay taakuleyn caafimaad dhamaadkii howshaas ayaa SOMALISPEAKER uu uka warbxiyay tirada bukaan ee halkaas ku qaabileen iyo cudurada uku badan la kulmeyn.

C/Qani Sheikh Omar ayaa xusay in ay gargaar caafimaad u sameeyeen 945 bukaan 400 oo kamid ee ahaayeen lab halka 545 ee dhedhig ahaayeen kuwasoo oo ka kooban da'ooyinga kala duwan sida caaruurta da'dooda u dhaxeysa 5-15, kuwa ka yar 5 sano iyo dadka waa weyn hadaba asagoo faafaahin ka bixinaayo cudarada ee la kulmeyn ayaa somalispeaker u xusay cudurada ee ka mid yihiin Duumada, Cudurada Maqaarka, Cudurada Neefmareenka, Cudurada Kaadimareenka, Shubanka, Nafaqadarada.
gunaanadkii ayaa somalspeaker weydiisay bal in ay jiraan wax hey'ado dowli ah ee ka saaciday howlahaan ee wadaan waxuuna xusay in aysan jirin wax hey'ado ee ka heleen taakuleyn dhinackasta ha ahaato marka laka reebo maamulka Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Benadir.
hadaba maha ururkaan kaliya ee hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aan aheyn ayaa si weyn u caawiyo dadka soo barakcay eek u sugan campmamka ku yaala hareeraha jidka koonfur uka baxa Mogadishu.



 

•  Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.