Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker


Soomaalida ku Nnool Nairobi Maxay wada sugayaan, Maxayse Tahay Noloshooda Caadiga

Waxaa isku duway:-
Cumar Cabdi Xaashi - xaash111@hotmail.com
Kenya Nairobi

FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya

Waxaan doonayaa in aan qormadaaan aan ku soo qaato soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,iyo xaalada noloshooda, iyagoo dhamaan wax wada sugaya.

Laga soo bilaabo sanadkii 1991 markii ay burburtay dawladii soomaaliya dalka soomaaliyana ka dheceen dagaaladii sokeeye ayaa waxaa nasiib u yeeshay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya in ay hooy aamin ah u noqoto boqolaal kun oo qof oo soomaali ah oo ka soo wada cararay dhibkii ka dhacay dalka soomaaliya .


(Midig) Safiirka Somali Kenya Amba. Mohamed A. Americo iyo Madaxweynaha Kibaki (Bidix) - Photo Dailynation

Xaafada Islii (Eastlight) ayaa waxay tahay meesha ay ku nool yihiin 90% soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, xaafadaasi islii ayaa waxay ahayd markii dagaaladu soomaaliya ka dhaceen ka dib muuqaal ahaan meel ka mid ah wadanka soomaaliya iyadoo aanan intii dadka soomaalida ah ee ka soo qaxay dalkooda aanan lagu samayn wadooyinka iyo meelaha guud.

Islii waxaa soomaalida ay u tahay meel la mid ah magaalo soomaaliyeed markaad ku dhex aragtid, waxaa ku yaal maqaayado waa wayn oo ay raashin soomaaliga ka cunaan iyo maqaayado yar oo ah kuwa lagu shaaheeyo, dhamaan meelahasi ayaa waxaa ka dareemaysa markaad dhex jootid dhaqan soomaaliga oo ah mid ka duwan dadyawga kale ee ku nool dalka Kenya, fadhi ku dirir iyo falayqaynta 24kii saac waxii ka dhacay soomaaliya ayaa waxay tahay hadalka ugu badan ee soomaalida ku nool Kenya taas oo ah mid ay la wada qabaan soomaalida ku nool dalka soomaliya.

Mararka qaar ayaa waxaa ka dhasha fadhi ku dirirada dagaal gacmaha la iskula tago marka mid uu midka kale siyaasigii ama kooxdii uu taageersanaa si xun wax uga sheego,waxayna tahay arin aan indhahayga ku saaray xaafada islii markii dagaalada u dhexeeya Dawlada FKMG ah iyo Maxaakintii ka socdeen duleedka Baydhabo, ayaa laba nin oo qiyaastii da’doodu tahay 25-30 ay isku feereen meel maqaayad ah. Dhanka Ganacsiga xaafada Islii.


Qaxooti Somali Oo Gargaar La siinaayo Xarunta Qaxootiga IFO - Photo The Nation

Dadka Soomaalida ah ee ku noo wadankan Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi ee caasimada dalka ayaa iyagu inta ay joogeen dalka kenya waxay ka bilaabeen ganacsi aad u fara badan, waxaana la dhihi karaa ganacsigooda waa mid aysanba gaarin dadka wadanka u dhashay oo faraha uga qaaday ganacsiga xaafada islii dadka soomaalida oo kaliya,soomaalida ganacsatada soomaalida ah maray arkeen in dalkaan kenya oo yahay meel aan dalkoodii waxba dhaamin ayaa waxay ka dhisteen dabaqyo aad dhaar dheer oo ay ku yaalaan suuqyada soomaalida oo dibada kenya xitaa looga yimaado sida dalka Uganda,Tanzania,waxaana ka mid ah suuqyadaasi 1. Amal Palaza. 2. Baraka basaar 3. Dubay 4. Gaarisa 5. Liiban shop 6. Alcarafaad 7. All Mubaarak 8. Bankok 9. Dubia.

Guulo la taaban karo ayaa ay ka gaareen soomaalida ganacsatada ah ee dalka kenya taas oo aysan gaarin soomaali badan oo ka shaqaysto dalalka afrika meelo badan oo ka mid ah tusaale ahaan hadii aan u soo qaato dalka koonfurta africa waxaa ka dhaca dilal loo gaysto soomaalida halkaasi ku sugan iska daa guulo ay gaaraane naftooda ayaa halis ku jirta. Buufiska iyo Soomaalida ku dhaqan Kenya.


Calanaka Ethopian Iyo Calanka Dalka Somalia - Photo Google

Waxaa la oran karaa 90% soomaalida ku dhaqan xaafada islii ee magaalada Nairobi ee caasimada kenya ayaa waxay wada yihiin dad wada sugaya buufis iyo dhuufintaanka dalalka Reer Galbeedka sida Maraynka,Ingiriiska,Kanada,Norwey,iyo meelo kale.

Waxaan tagay arunta GVI-da ee Dawlada Maraynka dadka ku imtaxaantu, waxaaad moodaysaa markaad is taagtid bananka hore ee meesha meel ka mid ah tuulooyinkii soomaalia sida soomaalidu tuban yihiin waala meel magaalada Nairobi ka baxsan oo dhanka Waqooyi Galbeed xaafada islii kaga toosan, waxaana dadka ka mooqatay farxad wajiyadooda ay u qabeen dalka Maraynka in ay aadaan kana soo shaqaystan.
Dhamaan cidii maskaxdooda mar ay gashu dibad waxaa loo yaqaan (Buufis) oo ah eray ku dhex faafay dadka soomaalida ah ee ku nool Magaalada Naiorbi Ciroole, Ciyaal,Dumar Rag Dhalin, dhamaan hadalkaa ayaa ka soo horeeyo ah '' Maxaa kuu hir galay ma baasay ma dhacday goormad maraysaa buufiska "

Dhamaan dadku wax bay wada sugayaa:

Dhoof bay sugayaan,
Dhicid Baasid bay sugayaan
Dhamashay sugayaan
Dhamaan way wada sugayaan kii soo hormara. Dhanka Booliska iyo Laaluusha soomaalida laga qaato Xaafada islii .

Booliska kenya ayaa habeen kasta usoo qaraab taga xaafad islii ee ay somaalidu dagto iyaguu qaraab doon ah oo Boliskaas kenya udhashay ayaa dadka soomaalida ah ee ku nool xaafada islii ka qaado lacag laaluush ama baadba la dhihi karo ah oo ay sabab uga dhigaan qofka aan haysan shariga Kenya ama mid qaxootinimo waxaana lagu arki karaa habeenkii saacado markay gaarto 7:25 Pm askarta oo luuq kasta ku haysato dad somalaiya ah oo dhalin yaro u badan iskugu jirta Gabdho iyo wiilal ba qofkii ay ka waayaana lacag waxa ay kaqaataan wax yaalaha kale ee uu sito sida saacada mobilka kadibna waa ay is ka sii dayaan qofkii kalana ee lacag kahelaana waaxa ay ka qaataan lacagta uu wato ka dibna waa ay iska sii daayaan.

Waxaa kaloo intaas u sii dheer Dad ka somaalidaa Tuugo hubaysan oo dhac iyo boob ugaysanaysa somaalida kudhaqan Xaafada Islii tuugtaas oo ah tuugo kuhubaysan Bis koolado yar yar ayaa waxa ay dad ka kaqadanayaan wax walboo ay haystaan sida lacagta mobeelida gacanta iyo waxii kale oo ay mar kaas door bidaan, marar ka Qaarna waxaa dhacda in tuugtaasi ay dilaan qof kii ay kawayaan wax ay kaqataan .
Isku soo wada doob soomaalida ku nool Kenya gabi ahaanba waxay u nayad sant ahay in dalkooda oo nabad iyo dawlad ay ka jirto xadka tartiib ka tilaabaan iyagoo aaanan cidna kala tashan.

 

•  Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.