Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker


Nin xaaskiisa aanan arkin wajigeeda mudo 30-sano

FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya

Sheeko la yaab lahayd oo ka dhacday dalka Sacuudiga ayaa aad uga yaabisay dad badan oo Caalamka ku nool siiba dadka ku nool wadamada aan Muslinka ahayn oo uu arkay Qisadan mid ka mida waxyaabaha lagu qoslo ee u baahan in la diiwaan galiyo sanadka 2008.

Maahmaah Soomaaliya ayaa tiraahda ''Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaaya ayuu ku tusaa'' hadaba maxay tahay Qisadan ka dhacday dalka Sacuudiga ee dadyowga badan ka yaabisay?!!!

Qisadaan waxay ka dhacday tuulada Khamiis Mashaad waxaana la sheegay in ay dhex martay nin iyo xaaskiis Sacuudiyaan ah oo 30 sano is qabay isla markaana ilmo badan isku dhalay markoodii horena Jacayl xad dhaaf ah oo ay isku qabeen ka dib is guursaday, waxayna sheekadan la yaab ka lihi sababi gaartay in ay is furaan lamaanahaasi waayaha badan isla soo noolaa.


Is khilaafka lamaanahan is qaba waxaa sababay sida ay sheegtay Jariidada Al-riyaad ee dalka Sacuudiga ka soo baxda khalad ninka xagiisa ka yimid oo uu kula kacay xaaskiisa uu 30-ka sano qabay, waxaana lagu sheegay danbiga uu ninkaasi galay in uu ahaa asagoo isku dayey in uu arko xaaskiisa wajigeeda oo uusan arkin Waqtiyadii badnaa ee ay isla noolaayeen ama ay is qabeen.

Gabadhan oo ninkeeda dacwo kusoo oogtay ayaa sheegay in ninkeedu uu kula kacay danbi weyn ka dib markuu isku dayey in uu wajigeeda marada Xijaab ahaanta u saaran ka qaado, waxayna sheegtay in ay door bidayso in la furo maadaama ninkeedu uu kula dhaqmay dhaqan xun oo aysan ku arkin ilaa Maalintii ay is guursadeen.

Gabadhan ayaa sheegtay markii ninkeedu marada ka qaadayey in ay huruday isla markaana uu falkani yahay falkii ugu horeeyey oo xumaan ah ee uu kula kaco ninkeedu waxayna sheegtay in ay tahay markii ugu horaysay ee ninkeedu wajigeeda arko.

Gabadhan oo da'deeda lagu sheegay 50 sano jir ayaa xanaaq ay ka qaaday falka ninkeedu kula kacay waxay isaga hayaantay Gurigii ay inta badan ku noolayd, ayadoo sida la sheegay qabatay Guriga qooyskeeda oo ayagu falkan u arka mid aan Dawo lahayn Furitaan mooyaane.

Ninka mucjisadan la yaabka lihi ku dhacday ayaa asna sheegay in xaaskiisu khalad ka fahantay ee uusan u dan lahayn in uu xaaskiisa wajigeeda marada ka qaado uuna diyaar u yahay in uu xaaskiisa ka xaal mariyo danbiga ay ka tabanayso, wuxuuna balan ku qaaday in aanu mar danbe u noqonayn danbigaas uu galay oo uusan marada ka qaadayn wajiga xaaskiisa.

30-kii sano ee labadan lamaane is qabeen ayaa la sheegay in ninku aanu arkin xaaskiisa wajigeeda, waxaana la sheegay in ay sidani tahay dhaqan soo jireen ah oo inta badan lagaga dhaqmo tuulooyinka fog fog ee koofurta miyiga dalka Sacuudi Carabiya.

Ayadoo ay danbi tahay in ninku Xaaskiisa uu Wajigeeda arko ayaa hadana arintani sii kala danbi badan tahay, waxaana Ceeb aad u weyn ah in nin da'a ah uu xaaskiisa marada ka qaado halka ay ka danbi yar tahay marka uu dhalinyarada yahay oo laga yaabo in aysan furiin sababin hadii wiilka oo dhalinyaro ah uu xaaskiisa wajiga ka faydo.

Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa isku dayday dhowr jeer oo hore in ay dadka ka jarto dhaqankan aan waafaqsanayn Diinta Islaamka, laakiin nasiibdarro sida Joornaalku sheegay Xukuumadu wali kuma ay guulaysan in ay hir-galiso Mamnuucida dhaqankan aysan jirin meel Aduunka ka mida oo lagaga dhaqmo.

Dhaqankan lagaga dhaqmo tuulooyin ka mida miyiga dalka Sacuudiga ayaa mid la mid ahna waxaa lagaga dhaqmaa dalka Eritrea meelo ka mida, waxaana dadkani sida ka muuqata ku dhagan yihin dhaqan soo jireen ah oo aan Diin iyo dhaqan hagaagsan toona shaqo ku lahayn.

Isku soo duuboo ninkaas reer miyiga ah ee Ceeboobay ayey dadka ay isku meesha dagan yihiin waxay ku xukumeen in uu bixiyo Gabadhaas uu sharafteeda ku ciyaaray diyadeeda oo kaamila waa haduu rabo ayey tiri Jariidadu in laga khafiifiyo Danbiga uu galay oo hadii lagu qaadi lahaa sababi lahaa Furiin iyo in ay kala tagaan labadaas lamaane ee inta badan isla soo noolaa!.

Qisadan ayaa ah mid ka yaabisay dadka ku nool khaliijka iyo caalamka oo dhan waana arin indhaha dadka Muslinka ah soo jiidatay ka dib markay maqleen laba qof oo Muslima oo shareecada Islaamka isku qaba oo hadana wax aan macno sidaasi ah lahayn isku furaaya kuna kala tagaaya, waxayna sheekadani dad badan u tahay ' Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaaya ayuu kutusaa'!!.

 

•  Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.