Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker


Marion Jones oo lagu xukumay xabsi 6-bilood

FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya

Orod yahanada caanka ah laguna magacaabo Marion Jones (32-jir) ayaa maanta oo jimce ah lagu xukumay xabsi mudo lix bilood ah, kaasoo ey ku muteysatay daroogooyin ey isticmaashay iyo been ey u sheegtay boliska dabagalka mareykanka ee FBI.


Marion Jones Oo joogta xarunta maxkamada - Photo BBC

Marion Jones ayaa oohin la dhacday maanta kadib marki uu xukunku ku dhacay, waxeyna ka bariday qaaliga in uu ka dhaafo xabsiga iyadoo dhowr jeer hortiisa ka qiratay in ey sameysay qaladaad waaweyn oo ey ka mid yihiin in ey been-abuur ku dhaqaaqday.

Kadib markii la fashinay Marion Jones iyaduna qiratay ayaa waxaa dib looga qaaday dhamaan biladihii ey ka qaaday ciyaarihii Sydney-OL sanadii 2000, waxeyna isugu jireen biladahan 3-bilad oo dahab ah iyo 2-qalin ah.

Kenneth Karas oo ah qaaligii maxkamadda ayaa yiri: "Danbiyada ey gashay Marion waa kuwo waa-weyn oo la cafin karin, mana ahan mar iyo labo ee waa marar badan", ayuu ku yiri qaaligan saxaafadda.

Gabadhan ayaa ah gabar orod-yahan caan ka ah dunida o dhan, waxeyna dhowrjeer ku guuleysatay tartamo kala gadisan oo isla orodka ah.


•  Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.