Barnaamijka
Socdaalka Aduunka
|
Qeybta
5aad
"Norwey iyo Soomaalida Degen"
W/Diyaarisay:- Ifraax Yusuf Ahmed
Somalispeaker Bergen,
Norway
Halkaan Ka Eeg Barnaamijka Socdaalka Qeybtii
Kowaad |
Labaad |
Sadexaad | 4aad
Ifraax Yusuf
FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
"Rock
around the chrismas tree, and happy holiday!"
Waxaa mardhaw laga soo baxay xiligii kirismaska/ciidaha dadka
aaminsan diinta masiixiga. Waxaana iskuulkaadka Norwey iyo iskuulka
kasta ee ku yaala dal bulsha weeynta degen yihiin misiixiyiin
looga hadlaayay ciidaas iyo sida ugu wanaagsan oo loo wada qaabili
lahaa. Ardayda iyo macalimiiinta maalinkaas isku diyaarinayay
waxaa si shil oo kale ah kaga mid noqday caruurta soomaaliyeed
ee aada xanaada caruurta, dugsiyada dhexe iyo hoose iyo macalimiintooda
soomaalida ah.
Heesta
ciwaanka kore ku qoran, waxeey aheeyd hees aad ka maqli kartid
cunug walba ee aada iskuulka, ha ahaado islaam, masiixi amaba
diin kale ha heeystee. Waxaana ka mid noqday dadka shilka ku
dhacay, oo heestaas ka dhageysatay weliba anoo salaad ku jira
cunug yar oo aan tobanka sano buuxinin afkiisa. Markii aan salaadii
ka baxay oo aan wareeystay cunugii, waxaa ii cadaatay inuu heesta
iska xifdiyay, maadaama galaaskiisa laga rabo in xaflada lagu
soo dhaweeynaa, laguna xiraa iskuulka xiliga kiriska ay u qaadaan
wiilidiinta iyo ardayda kale ee la dhigta iskuulka.
Waxaa ah suaal mudan in jawaab loo helo: Maxaa qasbay in cunuga
soomaaliga ah la baro heesaha ciidaha kirismaska, asoonan xataa
aqoonin diintiisa iyo waxa ay ku waajib yeeleeyso, heesta calankiisa,
iyo dalka uu ka soo jeedo cirifka oo dunida kaga yaalo iwm?
Waa suaal waqtigu noogu wada jawaabi doono soomaaliyeey. Waalidiinta
soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka kuwa badan oo ka mid ah waxeey
korinaayaan ilma wata magca soomaaliga ah, qalbiga iyo maskaxdana
ka ah reer Galbeedka aan biyo la marinin ( micnaha u fekero
sida reer Galbeedka,) isla markaasna aan dalkeena, diinteena
iyo dadkeena waxba u tari doonin in ay lugooyo, dhaqan xumo,
diimo islaaameed iyo siyaasad wareersan oo aan habooneen, baahina
loo qabin u keenaan maahane.
Dadka sida fiican u yaqaaan luuqada Norwiijka ama heeysta aqoonsiga
ah in ay yihiin turjubaan( Soomaali iyo Norwiij) weey u fududahay
in ay helaan shaqada turjubaanimada, oo aad ayaa loogu baahanyahay.
Maxaayeelay soomaalida badankooda xooga ma saaran markay yimaadaan
dal cusub in ay bartaan luuqada dalka ay yimideen. Khaas ahaan
dumarka ah hooyooyinka ah ee leh caruurta uma fududa in ay bartaan
luuqada dalalkaas, waxaana dhacda inay ilmahooda iyo ayaga is
fahmi waayaan oo turjubaan loo doono. Ileen laba luuqadood oo
aan isku dhaweeyn ayeey ku kala hadlaayaane.
Maxaayeelay inta curuurtu joogaan iskuulka iyo inta ay la joogaan
dadka ku hadlaa luuqada af-somaaliga waxaa badan inta ay la
joogaan dadka ku hadlaa luuqada norwiijka iyo iskuulka! Waxaa
jiro macalimiin norwiij iyo soomaali iskugu jira oo loo diro
guryaha ay ku noolyihiin ilmaha soomaalida ah oo waalidkooda
aysan aqoonin luuqada norwiijka kadib markii la ogaaday in dhamaan
caruurta ajnabiga ah ay ka hooseeyaan dhinaca waxbarashada kuwa
noorwiijka.
Waxaana macalimiintaas loogu tala galay, oo ay dowlada Norwey
ugu deeqdaa ardayda iyo waalidiinta aan sida fiican u aqoonin
luuqada, kana adkeen casharadooda iyo itixaamaadka iskuulka
si ay macalintiis ugu caawiyaan ilmaha casharada iskuulka. Balsa
nasiib darro macalimiintiisa diridooda waxaa ka danbeeysa siyaasad
aad u xeeldheer oo aan halkaan lagu faahfaahi karin. Si fudud
hadii aan kuugu sheego shaqada macalimiintaas, waa Jaajuusnimo
ee maahan in ay ilmo cashar ka caawiyaan ama wax uun u faaiideeyaan
familka loo diray. Waana aqliga iyo gacanta ka danbeysa in caruurta
yar ee soomaaliyeed weliba kuwooda ay da'adeedu u dhaxeeyso
10-16 jirka ay gacanta u galaan dadka isku sheega in ay ilaaliyaan
xuquuqda caruurta oo ah hey'ad gaar ah uu dowlada Norwey u shaqa
gelisay si ay u ilaaliyaan caruurta yaryar oo aan weli qaangaarin,
kana badbaadiyaan jirdilka, dhaqan xumada iyo waliba bahdilka
maskaxeed ee lagu haayo caruurta yaryarka ah, laguna yiraahdo
luuqada Norwiijka (Barnevern).
Dowlada
Norway oo raaceysa sharciyadii ay Qaramada midoobay wada saxiixdeen
ayaa isku dayda in ay ilaalisa xaquuqda caruurta yaryar oo aan
ayagu u doodi karin xaquuqdooda. Markii aad fiirisid fekrada
ay ku dhisantahay hey'adaas waa mid aad u qurxoon, oo waa wax
loo baahanyahay in xuquuqda caruurta loo doodo, lagana hortago
waxkasta oo ilmaha yar jirkiisa iyo maskaxdiisa dhaawac haba
yaraadii gaarsiin karo. Maxaayeelay waxaa jira oo carada ka
batay dad ilma dhalay oo waalideen isku sheegaa isla markaasna
aan aqoon, miir iyo awood kaamil ah aan u laheyn sida loo korin
lahaa ilmo jirkooda, aqlaaqdooda, diintooda, dhaqankooda iyo
maskaxdooduba wada dhisantahay oo lagu barbarshay wanaag iyo
kalgalceel, si uu bulshadiisa iyo naftiisane birito wax u taro
oo anfaca.
Waalideenta caawinta hey'adaan u baahan oo ay ilmaha xuquudooda
kala wareegaan badankooda waa kuwa isticmaala muqaaraadka, iyo
daroogooyinka kala duwan. Sidoo kale nasiib darro waalideen
badan oo aan wax cududaar ah loo heeynin ayaa koriya ilma dilaa
noqda aaqirka, oo qariba bulshada sharciyadeeda iyo diinteeda,
kuwaas oo kala dabcan waa muteysteen in lagala wareego ilmahooda
iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay koriyaan ilmahaas sida waalid.
Ileen ilmaho sikasta oo waalidku u xumaado waxuu xaq u leeyahay
nolol wanaagsan iyo meel nabad gelyo ah inuu ku noolaado, kuna
koro. Balsa waa suaal dadka somaalida ah ama hooyooyinka oo
ah dadka maantay kaligood koriya caruurta aan weeydiinaa madaama
aysan isticmaalin muqaadaraadka ee maxaa sababay in ilmaha somaalida
ah ay la wareegaan hey'adaha badbaadiya oo ilaaliya xuquuqda
caruurta?
Dadka somaalida ah markay yimaadeen waddankaan oo ah meel aan
ilmaha lagu dilin karin, lagu canaan karin uun wax sheeg lagu
leeyahay weey wareereen.
Maxayeelay dhaqan xumadii iyo bahdilkii ay ilmahooda ku heeyn
jireen ayeey rabaan in ay meeshoodii ka sii wataan, taasna waddan
Norway oo kale ah oo xataa kan deriskaaga ah ku jaajuusaa haduu
maqlo cunugaaga oo ooynaa booliiska wacaa laguma sameeyn karo.
Waxaad maqlee hooyo somaali ah oo ilmaheeda yaryar guriga kor
kaga xirto, markay suuqa aadeyso, ileen ayaga dhan ma wadi kartee!
Aaway ilmaha aabahooda? Maxaa ilmaha iyo hooyo isku soo reebay
kaligood? Hooyadaas ilmaha guriga kor kaga xirtay waxaa arkay
markay kaligeed sii baxeysay qof deriskeeda ah kana warheysay
in ay caruur leedahay, kadibna markay ogaatay in ay baxday wacday
boliiska iyo hey'adii qaabilsaneed shaqadaas oo hooyadii ilmaheedii
oo la qaatay ayeey timid, dacwo iyo dood kasta oo ay u gashay
in ay duruuf ku kaliftayna waa loo diiday ilmaheedii. Ileen
sharci u baneeynaa ma jiro in caruur sidaas u yaryar loogu tago
guriga kaligood.
Hooyadaan ma ayadaa qaldan? masa Hey'adaan? Yaasa sabab u ah
qaraxa ka dhacay meeshaan? ma hooyada, ma heey'ada aan aqooni
duruufta masa aabaha aan masuulka aheeyn oo dantiisa ka raacday
reerkiisa, asoo hilmaamay waajibaadkiisa?
Fiiro Gaar Ah
EE Aqriste la soco qaybta afaraad oo aan ku soo qaadan doono
sababaha aan soo sheegay qarkooda qasaarada ay keeneen, iyo
mustaqbalka mugdiga ah oo ay gelsheen midnimada iyo isku kalsoonaanta
lamaanaha is qaba, iyo waliba qaxarka iyo qaracanka ay arintaas
gaarsiisay caruurta guryahaas ku nool.
Aqristaha sharafta badanow waxaan si naxariis leh kaaga codsanaa
in aad i soo dirtid wixii qalad ah oo aad ku aragtid qoraalkaygaan.
Sidoo kale hadii aad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax
saaid ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida
reer Norwey igala soo xariir imailadaan: samsam_1989@hotmail.com.
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar
la'aana mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga
sheekada iska leh.
Shacabka Somalida Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Somalispeaker | Editorial & Adminstration Board
© Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya