Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker

 

Barnaamijka Socdaalka Aduunka
"Norwey iyo Soomaalida Degen"


W/Diyaarisay:- Ifraax Yusuf Ahmed
Somalispeaker Oslo, Norway

   •  Halkaan Ka Eeg Xafladii Furitaanka Shabakada Somalispeaker – Editorial Board

  FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya  


Guud ahaan Norway

Norway waa waddan ka mid ah waddamada la isku yiraahdo Iskandinifiya(Scandinivia) ee kala ah Iswiidhan, Norway, Danmarka, Finland iyo Island. Norway waxeey xududd kala leedahay bariga Iswiidhan, Finlan iyo Ruushka.
Waxuuna dalka Norway noqday dal xor ( ka hor waxeey la mideysnaayeen Danmarka iyo Iswiidhan) 1905, balsa waddanka Norway sida maalinka ay xoriyada qaateen waxaa looga dabaal degaa 17. Maay 1814, oo ah taariiqdii lagu guuleeystay in ay sameeystaan shacab weeynahay reer Noway sharci ay u mideysanyihiin inkastoo ay weli ku hoosjireen dowlada iyo boqotooyada Iswiidhan. 1905 waxaa Norway inuu boqor ka noqdo looga doortay is qabqabsi badan kadib amiirkii reer Danmarka Carl, isla markaasna magaciisa loo bedelay magacyadii boqoradii hore ee Norway ay baxsan jireen Haakoon V11. kadibna u soo guuray oo ka noqday boqor dalka Norway.


Xuduuda Dalka Norway | Photo © Encyclopedia

Dagaalkii koowaad ee dunida Norway waxeey aheeyd dowlad dhex-dhaxaad ah, balsa dagaalkii labaad ee dunida ayeey taageereen dowladihii ka soo horjeeday fekradii Hitler ee hogaanka u haayeen Biritan, Faransiis iyo Mareykan. Taas oo sababtay in la qabsado dalka Norway, bishii abriil 9dii 1940, ilaa laga soo gaaray 1945 la heeystay. Waxeeyna dowlada Norway ka mid noqotay dowlada la isku yiraahdo NTO iyo waliba dowladihii lagu bilaabay dhismahii Qaramada Midoobay markuu sanadku ahaa 1949.
Dalka Norway waa dal boqortooyo leh, laakiin boqortooyada ma lahan awood ay wax ku xukunto, oo waa uun magac u yeel. Norway sharci kama aheeyn sanadu yar ka hor in qof dumar ah boqorad ka noqoto dalka sida Ingariiska oo kale oo cunuga koowaad ee lamaanaha boqorka ka ah dalka dhalaan waxeey rabaan ha ahaadaane ay qaadanaayaan taashka boqortoooyada. Balsa hada sharcigaas Norway waa laga bedelay, waxeeyna ku curteen/cunuga 1.aad ee amiirka dhaxlaa boqortooyada iyo amiiradiisa gabar, waxaana la sharciyay in ay gabadhaas noqon doonto boqorada mustaqbalka ee Norway.
Boqortooyada Norway in ay sii jirto isqilaaf fara badan ayaa ka taagan, oo dad badan iyo xisbiya ka mid xisbiyada siyaasada ayaa u arko in boqortooyadu sida shacabka caadiga ah oo kale noqotay sanadii danbe. Kadib markii 2001 oo guursaday wiilka amiirka ah ee loo diyaarinaa inuu dhaxlo boqortooyada gabar ka mid ah bulshada dabaqada dhexe, leh cunug iyo taariiq ay dad badan oo reer Norway ah jecleeysanin. Sidoo kale boqortooyadu lacag xad dhaaf ah oo aqliga diidaa ayeey isticmaashaa sanad kasta waa sida ay ku doodaan dadka mucaaradka ahe, isla markaasna u arka in lacagtaas meelo kale looga baahanyahay. Sikasta oo ay ahaataba qarniyada soo socoto uma muuqato hada in barlaamanka dalka Norway iyo dowlada hada heeysta dalkaba ay diyaar u yihiin in ay tuuraa boqortooyada Norway, oo dalka sida Mareykanka oo kale Madaxweeyne looga dhigo hogaamiyi.


Calanka Dalka Norway | Photo © Encyclopedia

Maamulka iyo taliska Norway sadax awood ayuu u qaybsanyahay oo kala ah: barlamaan, boqorooyada iyo dowlada, iyo maxkamad. Mid walba waxuu qabtaa shaqa gooni ah, oo kan kale waa ka madax banaan yahay, inkastoo dhamaantood wax uusan Barlamaanka ogoleen ku dhaqmi karin, sidoo kale wax uusan Boqorku saxiixin.
Laakiin awooda boqorka weey xadidantahay, oo awooda kaligeed talisa ayadane ay shacabka u taliyaan waa barlamaanka ay u yaqaaniin dadka luuqada Norwiijka ku hadla "Stortinget" oo u dhiganta barlamaan ay soo doorteen shacabka dalka. Isla markaasna sameeya sharciyada dalka, bedeli kara sharcigii dowlada iyo shacabka isku raacaan in la bedelo, kuna bedela mid cusub. Sidoo kale ilaaliya dowlada iyo sida ay nidaamka ugu dhaqmeyso, lacagta ay isticmaaleyso iyo sida ay u isticmaaleysaba waxaa il gooni ah ku haaya oo daba socdo Barlamaanka. Nidaamkaas guud asigo sidaas u qaybsan ayuu hadane dalka Norwey leeyahay maamul goboleed iyo degmooyin, oo maamulka gobol kasta shaqo gooni ah ayuu u qabtaa shacabka gobolkaas ku nool, maamulka degmadane waxeey qabtaan shaqo gooni u ah.
Caadi ahaan Norway waxaa ka jira ilaa sideed xisbi, balsa siyaasadooda laba uun loo qayb karo oo kala ah bidix iyo midig, ama demoqoraadi iyo qunyar u socod. Waxaa hadada la joogo heeysta dalka Norway xisbiyada kala (AP, SV iyo SP) oo hal isku noqday, kuna heshiiyay in ay isla hogaamiyaan dalka, siyaasadooduna ku saleeysantahay demoqoraadi, kuwaasoo la doortay bishii 9ad 2005 dhicini doono 2009, hadii aan marlabaad la dooranin isla ayaga. Xisbiyada hada heeysta dalka waxaa ku jira xisbiga (SV) oo ah xisbi aad kaga soo horjeeda siyaasada Mareykan, rabane in Norway aysan la shaqeynin Mareykan iyo siyaasada xun oo dunida ka wado.
Balsa xisbigaas sababta siyaasada Mareykanka codad badan ayuu ku awaayay maxaayeelay Norway waxeey ka mid tahay waddamada Yurub ku yaala ee aadka u taageersan Mareykanka siyaasadiisa, wada shaqeeynta wanaagsane ka dhaxeeyso.
Dalkaan Norway waxaa looga hadlaa oo kali ah luuqada Norwiij, waxaansa dhihi karaa Norway waxaa looga hadlaa boqolaal lahjadood oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Qofkii ajnabi ah oo dalkaan ku noolne oo ku wareeraayo, qaas ahaan markii aad arday ka tahay oo macalin iyo arday kasta lahjadii degmadiisa looga hadlaayay kugula hadlo asigoo iska hilmaamaa in aad dalka u dhalanin oo aadna wada baran karin lahjadaha kala duwan ee luuqada Norwiijka leedahay hadii aad konton sano oo hada dhiman aad la joogtidna. Laakiin ugu yaraan, ama muhimada ayaa ah in la is fahmaa, oo hadaba qofkii somaaliya Konfurta kaga nool lahjad gooni ah ayuu ku hadlaa, saasta ay tahay kan Waqooyiga ku nool ee lahjada kale ku hadlaa si fiican ayuu u fahmaa, gobolada kalane sidoo kale, oo qoraal iyo hadal dhib la iskuma qabo.
Norway waxaa caan ah ama xafiiska dowlada, iyo qoraalka buugaagta iskuulkaba lagu qoraa laba lahjadood kuwaas oo loogu kala yeero: Bokmål iyo Nynorsk. Bokmål waa luuqad aad ugu dhaw tan daanish, oo dalkaan laga bartay intii boqortooyada Danmarka ay heeysatay dalka Norway, waxaana looga hadlaa ama lahjadaas ay caan ka tahay caasimada dalka (Oslo) iyo gobolada deriska la ah. Meesha Nynorsk ka yahay luuqad ay ku hadli jireen dadkii hore ee Norway ku noolaa, oo maantay qaar ka mid ah ay ku noolyihiin dalka la yiraahdo Islan, una luuqad dhaw lahjadaan la yirahdu Nynorsk ee looga hadlaa galbeedka dalka Norway iyo gobolo kale oo badan.


Muqaalka Bergen, Norway | Photo © Encyclopedia

Norway waxaa ku nool dad laga tiro badanyahay oo ah asal ahaan dadkii dalkaan loogu yimid. Dadkaas waxeey ku noolyihiin dhulka ugu barafka iyo qabowga badan Norway oo ah Waqooyiga Norway, waxaana la yiraahdaa Samer, ku dhawaad 40 000 ayaa ku nool Norway, waxeeyna u midib iyo qaab igyihiin dadka ku nool qaarada Iishiya, qaas ahaan indha yarta. Sidoo kale waxeey ku noolyihiin Iswiidhan, Finlan iyo Ruushka.
Dadkaas laga tiro badanyahay ee ku nool Norway waxaa lagu heeyn jiray dhibaatooyin badan, waxaa lagu qabsay in ay noqdaan kiristaan, dhaqankooda, diintooda iyo luuqadooda in ay bartaana waa laga mamnuucay. Isla markaasna caruurtooda waxaa lagu qasbi jiray in ay aadaan iskuulaadka Norwiijka, waxna la bartaa ilmaha norwiijka, bartaan dhaqanka iyo diinta dalka, waxna ku bartaan luuqada Norwiijka ah. Balsa sanadadii 1960-1970 waxeey u doodeen dadkaas xuqooqdooda, waxeeyna ku guuleeysteen in ay sameeystaan barlamaan ayaga gooni u ah, iskuulaad luuqadooda wax loogu barto, dhaqankooda, suugaantooda iyo ciyaarahooda dalka Norway caan ayeey ka noqdeen. Waana dad leh xuquuqda ay leedahay qofwalba oo ka mid ah dadka degen Norway, ama heeysta baasaboorka Norwiijka, una dhashay dalka.
Somaalida waxeey dalka Norway soo degeen dhamaadkii 1985tii, balsa intooda badan waxeey soo degeen ama norwiijku ogaadeen in dalkooda somaalida ay tiifiyada ka arkaan degenyihiin 1995. Maxaayeelay somaalida xiligaas soo degto waxeey ahaayeen dad wata diintooda, dumar xijaaban iyo gabdhu qamaara wata ayaa ku soo baratay iskuulaadka dalka iyo goobaha luuqada lagu barto. Arintaan waxeey cadeeyn u tahay in somaalida dhamaadkii 1985 yimid ay ahaayeen somaali aan aqoon diineed laheeyn, una dhaqmaayay sida talyaaniga iyo Inagriiska oo kale, taasna la yaab ma lahan markii la fiirsho dhaqankii ka jiray dalkii hooyo siiba caasimadaha sida Muqdisho iyo Hargeesa, iyo taariiqdii ay soo marsiiyeen gumeystayaashii reer Yurub.


Parliament Building, Oslo | Photo © Encyclopedia

Dalka norway waxaa ku nool ku dhawaad 18 000 oo asaal ahaan somaali ah, laakiin kala bar ayaa ku nool caasimada dalka ee Oslo ama 14 000 oo somaali ah. Soomaalida dalkaan degen intooda badan waxeey ku noolyihiin ceyrt/deeqda ay siiso dowlada Norway dadka aan shaqeysanin iyo kuwa weli ku cusub dalka. Waxaa aad u yar dadka somaalida ah ee shaqeysta. Hadii ay jiraan kuwa shaqeysta waxeey ka shaqeeyaan nadaafada, sida dhul dhaqintaaga xafiisyada/guryaha shaqada ee dowlada, dukaamada, maqaayada iyo hoteelada. Sidoo kale waxeey ka yihiin waddankaan ragga somaalida darawal, oo badankooda wada tagaasida, basaska iyo tariinada. Waxaa jira kuwa ka shaqeya goobaha iskuulaadka oo ka ah macalimiin isku-turjumada luuqada af-somaaliga iyo tan norwiijka, ama ku caawiya ardayda somaalida ah maadooyinka xisaabta, seyniska iyo cilmiga bulshada.
Sidoo kale waxaa iskuulaadka qaas ahaan kuwa ku yaala caasimada dalka ee Oslo ah waxeey bixiyaan xiisadu gaar u ah ardayda somaalida ah oo lagu baro luuqadooda hooyo ee af-somaaliga ah. Sidoo kale meelaha ay somaalidu ka shaqeeyaan waxaa u badan goobaha caafimaad, oo ay badankooda yihiin gabdhaha. Waxaa jirta in hada soomaalida dalkaan ku nool wax soo fahmaayaan, 12 sano kadibna ay la qabsanaayaan waxbarashada, la dhaqanka norwiijka iyo la shaqeeyntoodaba.

Fiiro Gaar ah

Waxaa soo socoto qayb tan ka sii xiiso iyo cajaaib badan, oo si khaas ahaan ugu saabsan somaalida degen dalka Norwey ee Aqriste yeeysan ku dhaafin!
Hadi ad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax said ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida reer Norwey igala soo xariir imailadaan: samsam_1989@hotmail.com, ama ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

•  Shacabka Somalida Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Somalispeaker | Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.