Home About Programs Bureaus Contacts
Dhexdhexaadnimo iyo Ogaalnimo Waa Halkudhiga Shabakada Somalispeaker

 

Barnaamijka Socdaalka Aduunka | Qeybta 2aad
"Norwey iyo Soomaalida Degen"


W/Diyaarisay:- Ifraax Yusuf Ahmed
Somalispeaker Bergen, Norway

   •  Halkaan Ka Eeg Barnaamijka Socdaalka Qeybtii Kowaad | Ifraax Yusuf

  FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya  


Khaas ahaan ardayda somaaliyeed ee ku nool dalka Norwey:

Aqristaha sharafta badanow waxaan qaybtaan labaad noogu soo bandhigaa xaalada guud oo ay ku suganyihiin ardayda somaaliyeed ee ku nool dalka Norwey. Balsa waxaan si qaas ah u xigsanaa dhibaatooyinka la soo gudboonaan karo ardayga soomaaliga ah ee Norwey wax ka barto, kuna noolaa sanadu badan, lagana yaaba in la keenay dalkaan asigoo aad u da'ayar ama ku dhashay. Dhibaatada aan ka hadlaa waa mida ay keeneen sababta dhaqanka iyo diimaha kala duwan oo ay umadaha caalamku kala heeystaan. Hadii aan si kale u dhaho ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaaliga ah ka mamnuuucaan inuu sameeyo ardaygaas somaaliga ah , halka diinta Kiristaanka iyo dhaqanka Norwiijka ay ka dhiirigelinaayaan, una arkaan ilbaxnimo iyo horumar.


Alwaaxa Hore Ee Kaniisada Norwegian Stave Church| Photo © Encyclopedia

Maadada Dhismaha j irka/gym: maadadaan waa mid waajib ku ah arday walba oo dhigta iskuulaadka hoose, dhexe iyo sare ee dalka Norwey. Waa maado jir dhis ah, oo caruurta yarka ah lagu baro ciyaaraha kala duwan, kuwa waa weeyna jir dhis looga dhigo oo xaqiiqa ahaan ay u baahanyihiin, si ay ugu waaraan caafimaad wanaagsan markasta. Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in ardayda wiilasha iyo gabdhaha ah ay isku dhex jiraan, ayado weliba dhar aad u qaawan la wada wato, Isla markaas ay gabdhaha kaligood ku qubeystaan ayagoo iska soo horjeeda musqulo gooni u ah, wiilashane sidoo kale. Gabadha/wiilka islaamka ah looma ogola in ay dad kale hortooda isku qaawiyaan, oo asoo qaawan ku hor qubeysto ama wata kastuumo/buumo iyo fanaanad/rajabeeto oo kale. Waxaana qasab kugu ah markii aad ka qayb qaadatid maadada jirdhiska/ciyaarta in aad qubeysatid oo adigoo dhidid kaa soo uraa ma dhex tegi kartid ardaydii kale, oo xiisad kale ayaa la gelaa xiisadaan dabadeed.

Sidoo kale dhibaatada ardayda somaalida ah ka soo gaarta maadadaan waa in xiliga lagu jiro qaboobaha oo aan banaanka lagu qaaadaneynin maadada jir dhiska in la baro ardayda dabaal, sidii aan horay u sheegayna la iskugu dhex jiro, oo wiilasha iyo gabdhaha biyaha barkada ay wada leeyihiin/dabaalanaayaan, hal macalina meesha joogo nin/dumar waxuu ahaadaba.
Sidaas darteed wiilasha iyo gabdhaha islaamka ah waa ay dhibeeysaa maadadaan, oo ah mid ay sidhex gal aan caadi aheeyn iyo qaawanaan ay ku banaantahay, waana in ay xal u helaan. Sidoo kale dharka la xiranaa gabdhaha somaalida/islaamka ah si qaas ah ayeey ugu dhibbanyihiin, maxaayeelay waxaa laga sugaa in ay xirtaan surwaal iyo fanaanad, madaxane qaawsadaan sida gabdhaha kale. Balsa dabcan waddooyin kale ayaa jira oo looga bixi karo cariirigaas aan ugu yeeri karo mid diineed, oo gabdha badan ayaa ka qayb qaata maadadaas ayagoo wata dharkooda asturan/islaamiga ah ee dhameystiran. Tan qubeyska ardayga hadii uusan rabin inuu la qubeysto ardayda kale waxuu xaq u leeyahay inuu helo musqul u gooni ah oo ku qubeysan karo kaligiis, balsa waxeey ku xirantahay fursada iskuulku haayo iyo waliba macalinka dhiiba maadadaas ama aad ku leedahay maadada. Waxaan ka warheeynaa in ardayda soomaalida ah intooda badan khaas ahaan gabdhaha aysan ka qayb qaadanin maadadaas, sababta waalidiinta oo u arko in ay tahay maado lagu caawinaa is dhexgalka labka iyo dhadiga, ayagoonan ka fekerin dhibka ay ardayga u keeni karto itixaamaadkiisa, iyo xalalka kala gedisan oo arintaas loo heli karo.


Henrik Ibsen Gabyaaga Caanka Ah Ee Reer Norway Qarnigi 19aad | Photo © Encyclopedia

Maadada diinta/KRL:
Waddankaan caadi ahaan waxaa iskuulaadka laga bixiyaa maadada diinta, oo lagu dhigo diimaha kala duwan, balsa si qaas ah xooga u saarta fahanka diinta Kiristanka iyo dhiirigelinta ardayga u aaminsan diinta Kiristaanka sida diintiisa dhabta ah.
Maadadaan waalidiiinta soomaaliyeed waa ka soo horjeesteen, oo waxeey u arkaan in ilmahooda la baraa diin iyo dhaqan gaalo, taasoo dabcan xaqiiqo ah. Laakiin waalidiintaas waa kuwa ka warhaaya xaalada waxbarashu ee iskuulaadka Norwey. Ee waxaa jira arday soomaaliyeed oo badan oo maadadaas barta isla markaasna kaga qayb qaato si firfircoon diintaas iyo waxwalba qofka kiristaanka ah laga rabo inuuu sameeyo sida in ardayda loo wado kaniisada, oo la soo baro kitaabada kala duwan ee yaalo kaniisada, sida loo fadhiisto kaniisada dhexdeeda, sida loogu dukado, iyo waddaadada kaniisada shaqadooda, iyo in la masiixiyeeyo (Konfirmasjon) oo lacag lagu siiyo caruurta da'adoodu u dhaxeeyso 14-15 sano.
Halkaan qofka aaminsan diin kale, tusaala ahaan diinta Islaamka oo aan kiristaan aqoonsaneen waxuu xaq u leeyahay oo ah sharci ka jira dalka Norwey inuu goaansan karo waalid kastaa in ilmahiisa loo wadi karo kaniisada iyo inkale, sidoo kale in ilmahiisa si firfircoon kaga qayb qaadan karaan iyo in kale, sida shumaca lagu dhex shidaa galaaska, shukulaatada la siinaa ardayda, iyo waliba xafladaha lagu sameeynaa iskuulka xiliyada ciidaha kirismaska lagu jiro. Waxaana laga rabaa waalidka in ay buuxiyaan foom (warqad u gooni ah mamnuucaas diiniga ah) oo ay ilmahooda iskuulka dhigta kaga mamnuucaayaan in ay ka qayb qaataan falalkaas diiniga ah ee ka jira iskuulka, kana mid ah waxbarashada khaas ahaan xiliyada lagu jiro ciidaha kirismaska oo maadaama ardayda badankooda yihiin kiristaan waa wax caadi ah in iskuulka iyo meel walba oo la iskugu yimaado laga muujiyo ciida iyo farxadeeda. Balsa uma diidi karyo waalidka in cunuga maadada diimaha qaato, kuna galo itixaan oo waa maado ka mid ah maadooyinka iskuulka, barlamaanka Norweyna goaansaday in ay bartaan dhamaan ardayda dhigta dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka Norwey.
Maadada Muusiga iyo jilitaanka riwaayada: Waa maado dhamaan ardayda deeq ahaan loo siiyo maadadaan muusiga iyo barashada jilitaanka riwaayada. Balsa waxeey qasab noqotaa markii la soo gaaro dugsi dhexe(ungdom skule), oo ardayga maadadaas itixaan looga qaadi doono.


Dhulka Qorax haweenaadka ee norway Bodo, Norway | Photo © Encyclopedia

Waalidka soomaaliga ah ma yeelaayo in cunugiisa sida jilaa ama fanaan wax u barto, oo marka koowaad heesaha la baranaa waa kuwa xinbaarsan dhaqan iyo diin islaameed, laba waalidiinta soomaaliyeed suugaanta iyo fanaanimada intooda badan waxeey u arkaan furaha ciyaalsuuqnimada iyo faafinta fasahaadka oo si fican loo qalabeeyay. In filin la jilana waaba ka dar oo dibi dhal waalidka agtooda, oo ma maqli karaan. Balsa meeshaan qilaaf weeyn ayaa ka dhax taagan waalidiintaan wata fekradaas iyo dhalinyartaan/caruurtaan xiiseeynaayo in ay bartaan waxyaabo cusub, lagaba yaabee in ay tahay maado ay aad ugu fiicanyihiin, uguna helaan. Taas waxeey sababtay in dhalinyarta badankooda ka qayb galaan maadadaan ayagoonan waalidka ku wargelin, oo waalidka ka ogaado macalin ama ka maqlo qof kale in cunugiisa barto maadadaas oo heesaa/fanaan noqon rabo. In dhalinyar badan oo qaas ahaan u badan wiilasha ay xiiseeyaan maadada muusiga iyo jilitaanka riwaayadaha la yaab ma lahan, oo macalimiin badan waxeey ka taliyaan, oo si fiican heshiis ugu yihiin sida ay dhalinyarta soomaalida ah aysan u baran laheeyn wax anfaca dalkooda iyo dadkooda, kagana hari lahaayeen facood.

Maadada barashada jinsiga iyo ka hor taga cudurada: Waa maado ka mid ah maadooyinka seyniska, bulshada iyo tan diintaba maadadaan oo si fiican loogu kala dhigdhigo, looguna barto. Balsa markii la yimaado galaaska tobanaad ee ah galaaska ugu danbeeya dugsiga dhexe si qaas ah ayaa loo bartaa maadadaan, xoogna loo saaraa. Nasiib darro waxeey sababtay dhibaatooyin badan oo aan xal loo heeynin. Kumana sinna soomaalida oo kale ah ee xataa dadkii sameeyay qaanuunkaas qalafsan ayaa maantay qaati ka taagan, kana naxsan waxa ku soo socda mustaqbalka dhaw waddankooda. Tusaale ahaan waxaa aad u batay cudurada ay keento galmada xaaraanta ah, sida HIV, AIDS iyo cudurada kale ee ku dhaca xubinta taranka, la iskana qaadi karo. Sidoo kale waxaa Galbeedka ku faafay qaniisnimada oo ka sii noqonaa wax caadi ah, kuwaas oo cudurada xubinta taranka sii kordhiyay.

Waxaa ardaydaas dhigta galaaska tobonaad loo ogolaadaa oo habeen dhan loo qorsheeynaa in ardayda, macalinka iyo waliba kalkaalisada caafimaadka guud ee iskuulka joogta in ay wada fiirsadaan filin ka hadlaa galmada, oo arag iyo maqal lagu tuso ilmaha yaryar ee da'adoodu tahay 15 jirka, isla markaasna la soo siinaayo qalabka ay u isticmaali lahaayeen falalkaas, loona tilmaamaayo meesha ay ka doonan lahaayeen qalabkaas hadii ay u baahdaan. Waxaana la tusaa cudurada ay keeni karto galmada xaaraanta ah ee lala sameeynaa qof aan la hubin cudurada oo qabo, hadii uusan qofku wadanin qalabka loogu tala galay inuu kaa ilaaliyo cudurka (Condom/kondom) oo qabo qof kale oo ku dhici karo asne. Waxaana gabdhaha yaryar ayagane si qaas ah loo baraa sida ay iskaga ilaalin lahaayeen uurka ku imaan karo sababta galmada xaaraanta, ayagoo lagu dhiirigelinaa in ay dilaan ilmaha calooshooda ku abuurma hadii ay yeeshaan uur. Sidoo kale waxaa loo sheegaa in hadii ay ka cabsadaan in ay uur yeeshaan oo qalad uun dhaca inta galmadaas xaaraanta ah socoto in ay saacado gudahooda ku qaataan kaniiniga afka norwiijka lagu yiraahdo <<angrepiller/nødprevensjon>> oo micnaheedo yahay ka hortaga uurka ee degdegta ah, si ilmahaas u dilmaan oo aysan u abuurmin. Arintaan waxeey walwal iyo muruga badan ku abuurtay dhamaan waalidiinta dhalay gabdhaha yaryar iyo kuwa koriyaba. Maxaayeelay waxaa dhacda in gabdhaha yaryarka ee u dhaxeeya 13-16 ay yeeshaan uur, kadibna ilmaha laga soo tuuro ayadoonan waalidkeeda la ogeeysiinin (waxeey quseeysaa ajnabiga khaas ahaan muslimiinta) oo cunugtaas yar adduun iyo aaqiraba lagu ciqaabo, adba waad dareemi kartaa dhibaatada ay yartaas la kulmi karto inta ilmaha caloosheeda ku jiraan iyo waliba markii laga soo xaaqaayo, oo ku khasbantahay in ay ka qariso waalidkeeda iyo bulshada.


Kaniisda Stave Church Borgund, Norway | Photo © Encyclopedia

Hada caasimadaan dalkaan Norwey ee ah Oslo waxaa ka jira wax lala yaabay oo xataa ay wax ka qoreen joornaalada ka soo baxa Norwey looguna yeeri karo musuqmaasuq lagu sameeynaa sharciyada dalka. Maxaayeelay isbitaalada Norwey waxaa ilmaha looga soo xaaqaa gabdhu da'adoodu u dhaxeeyso 13-16 oo aan weli qaangaarin, sharci ahaana ay tahay in lagu wargeliyo qaliinkaas gabadha waalidkeeda oo la heeysto saxiixooda. Dadka danbiyadaan ku jira oo ah macalimiinta, kalkaalisada guud ee caafimaadka, iyo waliba dhaqtarka ka soo xaaqa ilmaha gabdhahaan yaryar waxeey ku doodaayaan ama sheegaayaan in ay ka hortagaayaan dhibka iyo takoora ay kala kulmi doonto gabadha yarta ah waalidkeed iyo bulsha weeynta, kadib markii la ogaaday in waalidiinta Islaamka ah qaarkood ay dili karaan gabdhahaas yaryarka ah inta geeyaan waddamadii laga keenay hadii lagu ogaado in ay uur yeelatay ama ilmo laga soo xaaqay.
Sidaas darteedna si yartaan waxbarasheeda iyo nafteedaba looga badbaadiyo waalidkaas ayaa la isla ogolaaday in lagu xadgudbo sharciga oo qaliinkaas la sameeyso waalidka oo aan warba u heeynin. Aawday xuquuqdii ilmaha la so xaaqaa oo la dilaa? Masa cunuga yar ee caloosha ku jira, oo weli aysan naftu ku abuurin wax xaq ah ma lahan? Maxaa u sabab ah in noolaha aan hadli karin xuquuqdooda lagu xadgudbo, weliba la sharciyeeyo, lana yiraahdu qofta oo caloosheeda ku jira ayaa goaanka leh, ama ha disho ama heeyso? Miyuusan dilaa aheeyn dilaa waddadoo doono ha u isticmaalo falkaas qaracanka badan Aqriste? Dalkaan waxaa sanadkii oo kali ah lagu soo xaaqaa ilmo tiradooda lagu qiyaasay 15 000 shan iyo toban kun, oo laga soo xaaqo dumarka waa weeyn, kuwa da'adeeda u dhaxeeyso 18-30ka iyo kuwa aan kor ku soo sheegay oo aad u yaryar, isla markaasna aan xamili karin masuuliyada oo leeyahay falalkaan foolxumada iyo qaracanka badan.

Hadii aan si toos ah ugu gudbo sababta ardayga Islaamka ah maadada barashada jinsiga iyo ka hortaga cudurada dhibka ugu tahay waa 1. Looma ogola inuu fiirsado ardayga islaamka filimada lagu faafiya fasahaadka oo wata ficilkasta oo galma ah ama dadka qaawan muujinaa. 2. Ardayga ah islaamka waxuu leeyahay xaq diini ah iyo waajibaad laga rabo inuu u fuliyo sida qof muslim ah oo rumeysan Quraanka iyo axaadiista ka soo aroortay Nabiga caleyhi salaatu wasalaam markii laga hadlaa baahida jinsiga/galmada. Waxaana u banaan dhalinyarada muslimiinta ah hadii ay awoodaan guur, iyo in ay dhistaan qoys ay ayaga u madax banaanyihiin. Waxaan wada ognahay sida diinteena islaamka aadka ugu qaaliyeeysay, nooguna boorisay guurka, kagana dhigtay qoyska iyo nolosha lamaanaha wax muqasad ah, waajibna ku ah qofkasta oo muslim ah inuu buuxiyo, oo yeesho nolol lamaane iyo mid qoys.
Dalxiiska sanadlaha ah ee iskuul: Galaasyada 8, 9 iyo 10 waxeey aadaan dalxiis sanadkii hal mar oo hal asbuuc ah, fasax ayaana laga siiyaa iskuulka. Balsa waxaa raaca macalimiinta iskuulka, waxeeyna kuwa dhigta 8 iyo 9laadka aadi karaan uun gobolada waddanka, ayagoo kala dooran kara in ay maraan badda ama bariga. Laakiin ardayda dhigta galaaska 10ka waxeey aadi karaan waddamada ka baxsan xuduudka dalkooda, oo inta badan Ingariiska, Danmarka ama Mareykan ayeey jecelyihiin in ay ku soo qaataan asbuucaas ay kaligood yihiin, oo casharkii macalimiinta iskuulka iyo waalid qayladooda ka reeysteen.
Safarkaan/dalxiiskaan dhibka ugu weeyn oo waalidiinta soomaaliyeed ka ag arkaan ayaa ah in ilmaha yaryarka ah kaligood yihiin oo waxeey rabaan sameeynaayaan, inkasto macaalin la socdo. Laakiin macalinku dhib uma arko in ay qamri cabaan, amaba wiil iyo gabar isla seexdaan. Arintaan oo xaqiiqa ahaan inta badan dhacda inta dalxiiskaas lagu gudaha jiro, waliba ardayga ajnabiga ah loogu geeysto dhibaatooyin markii uu diido inuu ka qayb qaato cabitaanka khamriga iyo tumashada ka xaraanta ah, hadii kalane waaba cunug yar oo aqligiisa weli buuxina dhaalnteeda ayuu dhab moodaa, oo maadaama la qalqaalshay hadane saaxiibadiis wada cabaayaan, asigoo is leh bal ka war doon waxa saaxiibadaa cabayaan ayuu dhadhamiyaa, kadibna ku hoogaa halkaas. Sidaad darteed waalidiinta ajnabiga ah khaas ahaan kuwooda islaamka ah waxeey safarkaan ka mamnuuceen gabdhaha, inkastoo ay jiraan waalidiin sidoo kale aan wiilashane u ogoleen in ay ka qayb qaataan dalxiiskaan iskuulka. Waxaa ayadane caan ah in waddankaan ay qabaan hey'ad dhan oo u shaqeysa dhaqanka iyo is-dhex galka bulshada. Waxeeyna sameeyeen guryo loogu tala galay dhalinyarada yar, oo ay iskugu tagaan, oo nooc kalaab oo kala ah looga shaqeeyo, meeshaas oo muusig, khamri cabitaan, isla tumasho iwm. ay ka banaanyihiin. Dhalinyaro badan ayaa mooda in ay tahay meel caadi ah oo loogu tala galay in ay yimaadaan dhalinyarada sheeka doonka ah, laakiin kala kulmo waxyaabo lama filaan ah, dhibaatooyin badane loogu geeystaa, khaas ahaan dhalinyarada ajnabiga ah.

Waxaa kale oo ardayda somaalida ah ku dhib qabaan raashinka iskuulka laga sameeyo, oo yeelan karta nooc kasta, sida doofaarka oo la sameeynaa iyo waxi la mid ah. Waxaa laga rabaa ardayda dhigta qaybta caafimaadka iyo maadada raashin kariska in ay bartaan karinta iyo noocyada ugu wanaagsan caafimaad ahaan raashinka, kadibna markay ku jiraan xiliyada/practice ay ka shaqeeynaayaan isbitaalada ama hoteelada/maqaayadaha si ay si fiican ugu dhex galaan maadada ay baranaayaan laga sugaa in ay siiyaan, una kariyaan dadka martida/buukaanka ah doofaarkii iyo khamriigii ardaygaan islaamka ah xaaraanta ka ahaa.

Ardayda somaalida ah ee dalkaan ku nool ayeey ugu liitaan xaga waxbarashada, intooda badan ma dhaafiyaan waxbarashooda dugsiga sare, inbadan oo kalane maba dhaafaan dugsi dhexe oo inta ay ku jiraan ayeey ka fadaroobaan, kana haraan facood. Ardayda somaalida ah arintaan ah in ay ku liitaan qaybta waxbarashada laba arimood ayaa loo eedeeyaa, oo markii aad la sheekeysatid ardayda qaybaha kala duwan kaga jira dhinaca waxbarashada in ay ka kulmeen kuu sheegaayaan oo kala ah:-

1. in ay intooda badan halabaan oo bartaan daroogooyinka, taas oo ah natiijadii gubashada guryaha/is-furitaanka, oo dhalinyarada aqligooda buuxin wax dhiirigeliyo, horumarkoodane kala taliya ma heeystaan maadaama waalidkii kala tagay, oo magacii iyo isku gargaarkii famil ee gurigaas uu dumay.

2. in macalimiinta iskuulka ka daba shaqeeyaan ardayda somaalida ah oo aysan u ogoleen waxbarashu sareeyso, itixaamaadkane ayagoo sababta luuqada ugu marmarsiyoonaa ku rida, kadibna ardaygaas ka niyad jaba waxbarashada waliba ayadoo jirta dhibaatada aan kor ku soo sheegay oo guriga ka heeysata, hadane mucaarad kale oo kala kulmay dhinacii iskuulka iyo bulshada oo la noolaa, waad dareemi kartaa meesha u danbeeyneeysa adba aqriste waxbarashada ardaygaas!. Waxaa ardayda soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ahba ka dhex dareemi kartid kana maqleysid erayga "Rasiste/cunsuri" oo ah cunsurinimo, ama midibtakoor inuu caan ka yahay iskuulaadka, ardayda ajnabiga ahna aadka ula kulmaan, taas oo sababtay in ay macalimiinta cuqdad ka qabaan, kuna tilmaamaa eraygaas xumaanta iyo dib u dhaca ka dhadhamaayaan amaba ay tahay dhab ay ka arkeen macalinka, oo waxaa dhici karto inuu macalinkaas yahay cunsuri, amaba xubin ka mid ah kooxda la yiraahdo "Ny nazizme" oo ah koox hada Yurub ku faafeeysa, kana shidaal qaata fekradii dhicisowday ee Hitler oo ahaa madaxweynihii dalka Jarmalka, isla markaasna siyaasadiisii dunida ka baxday dagaalkii labaad ee Yurub ka dhacay ama dagaalkii labaad ee adduunka kadib. Inkastoo dalka Norwey cunsurinimada ay ka tahay mamnuuc, hadane waxaa dhacda in ardayga somaaliga ah lagula dhaqmo wajigaas aan wanaaga ku jirin, sababta midibkiisane dhibootooyin badan oo marnaba qof biliaadan ah oo damiir leh raali ka noqon karin kula kulmo.

Ardayda somaalida ah ee gaara heerka jaamacad aad ayeey u yaryihiin, saasta ay tahay hada waxeey sameeysteen urur arday oo gooni u ah, iskuna dayaayaan in ay la mid noqdaan ardayda kale ee jaamacada la dhigta, isla markaasna ah ajnabiga sidooda oo kale. Jaamacada Oslo waxaa wax looga bartaa luuqada norwiijka iyo sidoo kale tan ingariiska. Waxaana dhigta arday aad u tira badan qaybahaheeda kala duwan jaamacadaa Norwey ee Oslo, ardaydaas oo ka kala yimid waddanka gudahiisa iyo dibadiisa, watana diima, midabo iyo dhaqama kala duwan. Tayada waxbarashada iyo cilmiyada/maadooyinka kala duwan ee laga barto jaamacada Oslo ee Norwey waa kuwa ay tayadoodu aad u sareeyso, lana socoto dunida horumartay ee maantay.

Aqriste la soco qaybta sadaxaad oo aan ku soo qaadan doono, arimaha aad in badan dhegaha ka maqashay, amaba laga yaabo in aad la kulantay dad ku dhaqma oo kala ah separation/kala-guuris lamaanaha is-qaba iyo single mother/hooyo kali ah !!


Aqristaha sharafta badanow waxaan si naxariis leh kaaga codsanaa in aad i soo dirtid wixii qalad ah oo aad ku aragtid qoraalkaygaan. Sidoo kale hadii aad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax saaid ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida reer Norwey igala soo xariir imailadaan: samsam_1989@hotmail.com, ama ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la'aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.


•  Shacabka Somalida Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Somalispeaker | Editorial & Adminstration Board

  © Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya

 
Copy right © Somalispeaker www.somalispeaker.com 2007, Published & Designed By Firdows Co.