Barnaamijka
Socdaalka Aduunka
|
Qeybta
2aad
"Norwey iyo Soomaalida Degen"
W/Diyaarisay:- Ifraax Yusuf Ahmed
Somalispeaker Bergen,
Norway
Halkaan Ka Eeg Barnaamijka Socdaalka Qeybtii Kowaad |
Ifraax Yusuf
FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
Khaas
ahaan ardayda somaaliyeed ee ku nool dalka Norwey:
Aqristaha sharafta badanow waxaan qaybtaan labaad noogu soo
bandhigaa xaalada guud oo ay ku suganyihiin ardayda somaaliyeed
ee ku nool dalka Norwey. Balsa waxaan si qaas ah u xigsanaa
dhibaatooyinka la soo gudboonaan karo ardayga soomaaliga ah
ee Norwey wax ka barto, kuna noolaa sanadu badan, lagana yaaba
in la keenay dalkaan asigoo aad u da'ayar ama ku dhashay. Dhibaatada
aan ka hadlaa waa mida ay keeneen sababta dhaqanka iyo diimaha
kala duwan oo ay umadaha caalamku kala heeystaan. Hadii aan
si kale u dhaho ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaaliga ah
ka mamnuuucaan inuu sameeyo ardaygaas somaaliga ah , halka diinta
Kiristaanka iyo dhaqanka Norwiijka ay ka dhiirigelinaayaan,
una arkaan ilbaxnimo iyo horumar.
Alwaaxa
Hore Ee Kaniisada Norwegian Stave Church| Photo © Encyclopedia
Maadada Dhismaha j irka/gym:
maadadaan waa mid waajib ku ah arday walba oo dhigta iskuulaadka
hoose, dhexe iyo sare ee dalka Norwey. Waa maado jir dhis ah,
oo caruurta yarka ah lagu baro ciyaaraha kala duwan, kuwa waa
weeyna jir dhis looga dhigo oo xaqiiqa ahaan ay u baahanyihiin,
si ay ugu waaraan caafimaad wanaagsan markasta. Laakiin dhibaatada
jirta ayaa ah in ardayda wiilasha iyo gabdhaha ah ay isku dhex
jiraan, ayado weliba dhar aad u qaawan la wada wato, Isla markaas
ay gabdhaha kaligood ku qubeystaan ayagoo iska soo horjeeda
musqulo gooni u ah, wiilashane sidoo kale. Gabadha/wiilka islaamka
ah looma ogola in ay dad kale hortooda isku qaawiyaan, oo asoo
qaawan ku hor qubeysto ama wata kastuumo/buumo iyo fanaanad/rajabeeto
oo kale. Waxaana qasab kugu ah markii aad ka qayb qaadatid maadada
jirdhiska/ciyaarta in aad qubeysatid oo adigoo dhidid kaa soo
uraa ma dhex tegi kartid ardaydii kale, oo xiisad kale ayaa
la gelaa xiisadaan dabadeed.
Sidoo kale dhibaatada ardayda somaalida ah ka
soo gaarta maadadaan waa in xiliga lagu jiro qaboobaha oo aan
banaanka lagu qaaadaneynin maadada jir dhiska in la baro ardayda
dabaal, sidii aan horay u sheegayna la iskugu dhex jiro, oo
wiilasha iyo gabdhaha biyaha barkada ay wada leeyihiin/dabaalanaayaan,
hal macalina meesha joogo nin/dumar waxuu ahaadaba.
Sidaas darteed wiilasha iyo gabdhaha islaamka ah waa ay dhibeeysaa
maadadaan, oo ah mid ay sidhex gal aan caadi aheeyn iyo qaawanaan
ay ku banaantahay, waana in ay xal u helaan. Sidoo kale dharka
la xiranaa gabdhaha somaalida/islaamka ah si qaas ah ayeey ugu
dhibbanyihiin, maxaayeelay waxaa laga sugaa in ay xirtaan surwaal
iyo fanaanad, madaxane qaawsadaan sida gabdhaha kale. Balsa
dabcan waddooyin kale ayaa jira oo looga bixi karo cariirigaas
aan ugu yeeri karo mid diineed, oo gabdha badan ayaa ka qayb
qaata maadadaas ayagoo wata dharkooda asturan/islaamiga ah ee
dhameystiran. Tan qubeyska ardayga hadii uusan rabin inuu la
qubeysto ardayda kale waxuu xaq u leeyahay inuu helo musqul
u gooni ah oo ku qubeysan karo kaligiis, balsa waxeey ku xirantahay
fursada iskuulku haayo iyo waliba macalinka dhiiba maadadaas
ama aad ku leedahay maadada. Waxaan ka warheeynaa in ardayda
soomaalida ah intooda badan khaas ahaan gabdhaha aysan ka qayb
qaadanin maadadaas, sababta waalidiinta oo u arko in ay tahay
maado lagu caawinaa is dhexgalka labka iyo dhadiga, ayagoonan
ka fekerin dhibka ay ardayga u keeni karto itixaamaadkiisa,
iyo xalalka kala gedisan oo arintaas loo heli karo.

Henrik
Ibsen Gabyaaga Caanka Ah Ee Reer Norway Qarnigi 19aad | Photo
© Encyclopedia
Maadada diinta/KRL: Waddankaan caadi ahaan waxaa
iskuulaadka laga bixiyaa maadada diinta, oo lagu dhigo diimaha
kala duwan, balsa si qaas ah xooga u saarta fahanka diinta Kiristanka
iyo dhiirigelinta ardayga u aaminsan diinta Kiristaanka sida
diintiisa dhabta ah.
Maadadaan waalidiiinta soomaaliyeed waa ka soo horjeesteen,
oo waxeey u arkaan in ilmahooda la baraa diin iyo dhaqan gaalo,
taasoo dabcan xaqiiqo ah. Laakiin waalidiintaas waa kuwa ka
warhaaya xaalada waxbarashu ee iskuulaadka Norwey. Ee waxaa
jira arday soomaaliyeed oo badan oo maadadaas barta isla markaasna
kaga qayb qaato si firfircoon diintaas iyo waxwalba qofka kiristaanka
ah laga rabo inuuu sameeyo sida in ardayda loo wado kaniisada,
oo la soo baro kitaabada kala duwan ee yaalo kaniisada, sida
loo fadhiisto kaniisada dhexdeeda, sida loogu dukado, iyo waddaadada
kaniisada shaqadooda, iyo in la masiixiyeeyo (Konfirmasjon)
oo lacag lagu siiyo caruurta da'adoodu u dhaxeeyso 14-15 sano.
Halkaan qofka aaminsan diin kale, tusaala ahaan diinta Islaamka
oo aan kiristaan aqoonsaneen waxuu xaq u leeyahay oo ah sharci
ka jira dalka Norwey inuu goaansan karo waalid kastaa in ilmahiisa
loo wadi karo kaniisada iyo inkale, sidoo kale in ilmahiisa
si firfircoon kaga qayb qaadan karaan iyo in kale, sida shumaca
lagu dhex shidaa galaaska, shukulaatada la siinaa ardayda, iyo
waliba xafladaha lagu sameeynaa iskuulka xiliyada ciidaha kirismaska
lagu jiro. Waxaana laga rabaa waalidka in ay buuxiyaan foom
(warqad u gooni ah mamnuucaas diiniga ah) oo ay ilmahooda iskuulka
dhigta kaga mamnuucaayaan in ay ka qayb qaataan falalkaas diiniga
ah ee ka jira iskuulka, kana mid ah waxbarashada khaas ahaan
xiliyada lagu jiro ciidaha kirismaska oo maadaama ardayda badankooda
yihiin kiristaan waa wax caadi ah in iskuulka iyo meel walba
oo la iskugu yimaado laga muujiyo ciida iyo farxadeeda. Balsa
uma diidi karyo waalidka in cunuga maadada diimaha qaato, kuna
galo itixaan oo waa maado ka mid ah maadooyinka iskuulka, barlamaanka
Norweyna goaansaday in ay bartaan dhamaan ardayda dhigta dugsiyada
hoose iyo dhexe ee dalka Norwey.
Maadada Muusiga iyo jilitaanka
riwaayada: Waa maado dhamaan ardayda deeq ahaan
loo siiyo maadadaan muusiga iyo barashada jilitaanka riwaayada.
Balsa waxeey qasab noqotaa markii la soo gaaro dugsi dhexe(ungdom
skule), oo ardayga maadadaas itixaan looga qaadi doono.

Dhulka
Qorax haweenaadka ee norway Bodo, Norway | Photo © Encyclopedia
Waalidka soomaaliga ah ma yeelaayo in cunugiisa sida jilaa ama
fanaan wax u barto, oo marka koowaad heesaha la baranaa waa
kuwa xinbaarsan dhaqan iyo diin islaameed, laba waalidiinta
soomaaliyeed suugaanta iyo fanaanimada intooda badan waxeey
u arkaan furaha ciyaalsuuqnimada iyo faafinta fasahaadka oo
si fican loo qalabeeyay. In filin la jilana waaba ka dar oo
dibi dhal waalidka agtooda, oo ma maqli karaan. Balsa meeshaan
qilaaf weeyn ayaa ka dhax taagan waalidiintaan wata fekradaas
iyo dhalinyartaan/caruurtaan xiiseeynaayo in ay bartaan waxyaabo
cusub, lagaba yaabee in ay tahay maado ay aad ugu fiicanyihiin,
uguna helaan. Taas waxeey sababtay in dhalinyarta badankooda
ka qayb galaan maadadaan ayagoonan waalidka ku wargelin, oo
waalidka ka ogaado macalin ama ka maqlo qof kale in cunugiisa
barto maadadaas oo heesaa/fanaan noqon rabo. In dhalinyar badan
oo qaas ahaan u badan wiilasha ay xiiseeyaan maadada muusiga
iyo jilitaanka riwaayadaha la yaab ma lahan, oo macalimiin badan
waxeey ka taliyaan, oo si fiican heshiis ugu yihiin sida ay
dhalinyarta soomaalida ah aysan u baran laheeyn wax anfaca dalkooda
iyo dadkooda, kagana hari lahaayeen facood.
Maadada barashada jinsiga iyo
ka hor taga cudurada: Waa maado ka mid ah maadooyinka
seyniska, bulshada iyo tan diintaba maadadaan oo si fiican loogu
kala dhigdhigo, looguna barto. Balsa markii la yimaado galaaska
tobanaad ee ah galaaska ugu danbeeya dugsiga dhexe si qaas ah
ayaa loo bartaa maadadaan, xoogna loo saaraa. Nasiib darro waxeey
sababtay dhibaatooyin badan oo aan xal loo heeynin. Kumana sinna
soomaalida oo kale ah ee xataa dadkii sameeyay qaanuunkaas qalafsan
ayaa maantay qaati ka taagan, kana naxsan waxa ku soo socda
mustaqbalka dhaw waddankooda. Tusaale ahaan waxaa aad u batay
cudurada ay keento galmada xaaraanta ah, sida HIV, AIDS iyo
cudurada kale ee ku dhaca xubinta taranka, la iskana qaadi karo.
Sidoo kale waxaa Galbeedka ku faafay qaniisnimada oo ka sii
noqonaa wax caadi ah, kuwaas oo cudurada xubinta taranka sii
kordhiyay.
Waxaa ardaydaas dhigta galaaska tobonaad loo ogolaadaa oo habeen
dhan loo qorsheeynaa in ardayda, macalinka iyo waliba kalkaalisada
caafimaadka guud ee iskuulka joogta in ay wada fiirsadaan filin
ka hadlaa galmada, oo arag iyo maqal lagu tuso ilmaha yaryar
ee da'adoodu tahay 15 jirka, isla markaasna la soo siinaayo
qalabka ay u isticmaali lahaayeen falalkaas, loona tilmaamaayo
meesha ay ka doonan lahaayeen qalabkaas hadii ay u baahdaan.
Waxaana la tusaa cudurada ay keeni karto galmada xaaraanta ah
ee lala sameeynaa qof aan la hubin cudurada oo qabo, hadii uusan
qofku wadanin qalabka loogu tala galay inuu kaa ilaaliyo cudurka
(Condom/kondom) oo qabo qof kale oo ku dhici karo asne. Waxaana
gabdhaha yaryar ayagane si qaas ah loo baraa sida ay iskaga
ilaalin lahaayeen uurka ku imaan karo sababta galmada xaaraanta,
ayagoo lagu dhiirigelinaa in ay dilaan ilmaha calooshooda ku
abuurma hadii ay yeeshaan uur. Sidoo kale waxaa loo sheegaa
in hadii ay ka cabsadaan in ay uur yeeshaan oo qalad uun dhaca
inta galmadaas xaaraanta ah socoto in ay saacado gudahooda ku
qaataan kaniiniga afka norwiijka lagu yiraahdo <<angrepiller/nødprevensjon>>
oo micnaheedo yahay ka hortaga uurka ee degdegta ah, si ilmahaas
u dilmaan oo aysan u abuurmin. Arintaan waxeey walwal iyo muruga
badan ku abuurtay dhamaan waalidiinta dhalay gabdhaha yaryar
iyo kuwa koriyaba. Maxaayeelay waxaa dhacda in gabdhaha yaryarka
ee u dhaxeeya 13-16 ay yeeshaan uur, kadibna ilmaha laga soo
tuuro ayadoonan waalidkeeda la ogeeysiinin (waxeey quseeysaa
ajnabiga khaas ahaan muslimiinta) oo cunugtaas yar adduun iyo
aaqiraba lagu ciqaabo, adba waad dareemi kartaa dhibaatada ay
yartaas la kulmi karto inta ilmaha caloosheeda ku jiraan iyo
waliba markii laga soo xaaqaayo, oo ku khasbantahay in ay ka
qariso waalidkeeda iyo bulshada.
Kaniisda
Stave Church Borgund, Norway | Photo © Encyclopedia
Hada caasimadaan dalkaan Norwey ee ah Oslo waxaa ka jira wax
lala yaabay oo xataa ay wax ka qoreen joornaalada ka soo baxa
Norwey looguna yeeri karo musuqmaasuq lagu sameeynaa sharciyada
dalka. Maxaayeelay isbitaalada Norwey waxaa ilmaha looga soo
xaaqaa gabdhu da'adoodu u dhaxeeyso 13-16 oo aan weli qaangaarin,
sharci ahaana ay tahay in lagu wargeliyo qaliinkaas gabadha
waalidkeeda oo la heeysto saxiixooda. Dadka danbiyadaan ku jira
oo ah macalimiinta, kalkaalisada guud ee caafimaadka, iyo waliba
dhaqtarka ka soo xaaqa ilmaha gabdhahaan yaryar waxeey ku doodaayaan
ama sheegaayaan in ay ka hortagaayaan dhibka iyo takoora ay
kala kulmi doonto gabadha yarta ah waalidkeed iyo bulsha weeynta,
kadib markii la ogaaday in waalidiinta Islaamka ah qaarkood
ay dili karaan gabdhahaas yaryarka ah inta geeyaan waddamadii
laga keenay hadii lagu ogaado in ay uur yeelatay ama ilmo laga
soo xaaqay.
Sidaas darteedna si yartaan waxbarasheeda iyo nafteedaba looga
badbaadiyo waalidkaas ayaa la isla ogolaaday in lagu xadgudbo
sharciga oo qaliinkaas la sameeyso waalidka oo aan warba u heeynin.
Aawday xuquuqdii ilmaha la so xaaqaa oo la dilaa? Masa cunuga
yar ee caloosha ku jira, oo weli aysan naftu ku abuurin wax
xaq ah ma lahan? Maxaa u sabab ah in noolaha aan hadli karin
xuquuqdooda lagu xadgudbo, weliba la sharciyeeyo, lana yiraahdu
qofta oo caloosheeda ku jira ayaa goaanka leh, ama ha disho
ama heeyso? Miyuusan dilaa aheeyn dilaa waddadoo doono ha u
isticmaalo falkaas qaracanka badan Aqriste? Dalkaan waxaa sanadkii
oo kali ah lagu soo xaaqaa ilmo tiradooda lagu qiyaasay 15 000
shan iyo toban kun, oo laga soo xaaqo dumarka waa weeyn, kuwa
da'adeeda u dhaxeeyso 18-30ka iyo kuwa aan kor ku soo sheegay
oo aad u yaryar, isla markaasna aan xamili karin masuuliyada
oo leeyahay falalkaan foolxumada iyo qaracanka badan.
Hadii aan si toos ah ugu gudbo sababta ardayga Islaamka ah maadada
barashada jinsiga iyo ka hortaga cudurada dhibka ugu tahay waa
1. Looma ogola inuu fiirsado ardayga islaamka filimada lagu
faafiya fasahaadka oo wata ficilkasta oo galma ah ama dadka
qaawan muujinaa. 2. Ardayga ah islaamka waxuu leeyahay xaq diini
ah iyo waajibaad laga rabo inuu u fuliyo sida qof muslim ah
oo rumeysan Quraanka iyo axaadiista ka soo aroortay Nabiga caleyhi
salaatu wasalaam markii laga hadlaa baahida jinsiga/galmada.
Waxaana u banaan dhalinyarada muslimiinta ah hadii ay awoodaan
guur, iyo in ay dhistaan qoys ay ayaga u madax banaanyihiin.
Waxaan wada ognahay sida diinteena islaamka aadka ugu qaaliyeeysay,
nooguna boorisay guurka, kagana dhigtay qoyska iyo nolosha lamaanaha
wax muqasad ah, waajibna ku ah qofkasta oo muslim ah inuu buuxiyo,
oo yeesho nolol lamaane iyo mid qoys.
Dalxiiska sanadlaha ah ee iskuul:
Galaasyada 8, 9 iyo 10 waxeey aadaan dalxiis sanadkii hal mar
oo hal asbuuc ah, fasax ayaana laga siiyaa iskuulka. Balsa waxaa
raaca macalimiinta iskuulka, waxeeyna kuwa dhigta 8 iyo 9laadka
aadi karaan uun gobolada waddanka, ayagoo kala dooran kara in
ay maraan badda ama bariga. Laakiin ardayda dhigta galaaska
10ka waxeey aadi karaan waddamada ka baxsan xuduudka dalkooda,
oo inta badan Ingariiska, Danmarka ama Mareykan ayeey jecelyihiin
in ay ku soo qaataan asbuucaas ay kaligood yihiin, oo casharkii
macalimiinta iskuulka iyo waalid qayladooda ka reeysteen.
Safarkaan/dalxiiskaan dhibka ugu weeyn oo waalidiinta soomaaliyeed
ka ag arkaan ayaa ah in ilmaha yaryarka ah kaligood yihiin oo
waxeey rabaan sameeynaayaan, inkasto macaalin la socdo. Laakiin
macalinku dhib uma arko in ay qamri cabaan, amaba wiil iyo gabar
isla seexdaan. Arintaan oo xaqiiqa ahaan inta badan dhacda inta
dalxiiskaas lagu gudaha jiro, waliba ardayga ajnabiga ah loogu
geeysto dhibaatooyin markii uu diido inuu ka qayb qaato cabitaanka
khamriga iyo tumashada ka xaraanta ah, hadii kalane waaba cunug
yar oo aqligiisa weli buuxina dhaalnteeda ayuu dhab moodaa,
oo maadaama la qalqaalshay hadane saaxiibadiis wada cabaayaan,
asigoo is leh bal ka war doon waxa saaxiibadaa cabayaan ayuu
dhadhamiyaa, kadibna ku hoogaa halkaas. Sidaad darteed waalidiinta
ajnabiga ah khaas ahaan kuwooda islaamka ah waxeey safarkaan
ka mamnuuceen gabdhaha, inkastoo ay jiraan waalidiin sidoo kale
aan wiilashane u ogoleen in ay ka qayb qaataan dalxiiskaan iskuulka.
Waxaa ayadane caan ah in waddankaan ay qabaan hey'ad dhan oo
u shaqeysa dhaqanka iyo is-dhex galka bulshada. Waxeeyna sameeyeen
guryo loogu tala galay dhalinyarada yar, oo ay iskugu tagaan,
oo nooc kalaab oo kala ah looga shaqeeyo, meeshaas oo muusig,
khamri cabitaan, isla tumasho iwm. ay ka banaanyihiin. Dhalinyaro
badan ayaa mooda in ay tahay meel caadi ah oo loogu tala galay
in ay yimaadaan dhalinyarada sheeka doonka ah, laakiin kala
kulmo waxyaabo lama filaan ah, dhibaatooyin badane loogu geeystaa,
khaas ahaan dhalinyarada ajnabiga ah.
Waxaa kale oo ardayda somaalida ah ku dhib qabaan raashinka
iskuulka laga sameeyo, oo yeelan karta nooc kasta, sida doofaarka
oo la sameeynaa iyo waxi la mid ah. Waxaa laga rabaa ardayda
dhigta qaybta caafimaadka iyo maadada raashin kariska in ay
bartaan karinta iyo noocyada ugu wanaagsan caafimaad ahaan raashinka,
kadibna markay ku jiraan xiliyada/practice ay ka shaqeeynaayaan
isbitaalada ama hoteelada/maqaayadaha si ay si fiican ugu dhex
galaan maadada ay baranaayaan laga sugaa in ay siiyaan, una
kariyaan dadka martida/buukaanka ah doofaarkii iyo khamriigii
ardaygaan islaamka ah xaaraanta ka ahaa.
Ardayda somaalida ah ee dalkaan ku nool ayeey ugu liitaan xaga
waxbarashada, intooda badan ma dhaafiyaan waxbarashooda dugsiga
sare, inbadan oo kalane maba dhaafaan dugsi dhexe oo inta ay
ku jiraan ayeey ka fadaroobaan, kana haraan facood. Ardayda
somaalida ah arintaan ah in ay ku liitaan qaybta waxbarashada
laba arimood ayaa loo eedeeyaa, oo markii aad la sheekeysatid
ardayda qaybaha kala duwan kaga jira dhinaca waxbarashada in
ay ka kulmeen kuu sheegaayaan oo kala ah:-
1. in ay intooda badan halabaan oo bartaan daroogooyinka, taas
oo ah natiijadii gubashada guryaha/is-furitaanka, oo dhalinyarada
aqligooda buuxin wax dhiirigeliyo, horumarkoodane kala taliya
ma heeystaan maadaama waalidkii kala tagay, oo magacii iyo isku
gargaarkii famil ee gurigaas uu dumay.
2. in macalimiinta iskuulka ka daba shaqeeyaan ardayda somaalida
ah oo aysan u ogoleen waxbarashu sareeyso, itixaamaadkane ayagoo
sababta luuqada ugu marmarsiyoonaa ku rida, kadibna ardaygaas
ka niyad jaba waxbarashada waliba ayadoo jirta dhibaatada aan
kor ku soo sheegay oo guriga ka heeysata, hadane mucaarad kale
oo kala kulmay dhinacii iskuulka iyo bulshada oo la noolaa,
waad dareemi kartaa meesha u danbeeyneeysa adba aqriste waxbarashada
ardaygaas!. Waxaa ardayda soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ahba
ka dhex dareemi kartid kana maqleysid erayga "Rasiste/cunsuri"
oo ah cunsurinimo, ama midibtakoor inuu caan ka yahay iskuulaadka,
ardayda ajnabiga ahna aadka ula kulmaan, taas oo sababtay in
ay macalimiinta cuqdad ka qabaan, kuna tilmaamaa eraygaas xumaanta
iyo dib u dhaca ka dhadhamaayaan amaba ay tahay dhab ay ka arkeen
macalinka, oo waxaa dhici karto inuu macalinkaas yahay cunsuri,
amaba xubin ka mid ah kooxda la yiraahdo "Ny nazizme"
oo ah koox hada Yurub ku faafeeysa, kana shidaal qaata fekradii
dhicisowday ee Hitler oo ahaa madaxweynihii dalka Jarmalka,
isla markaasna siyaasadiisii dunida ka baxday dagaalkii labaad
ee Yurub ka dhacay ama dagaalkii labaad ee adduunka kadib. Inkastoo
dalka Norwey cunsurinimada ay ka tahay mamnuuc, hadane waxaa
dhacda in ardayga somaaliga ah lagula dhaqmo wajigaas aan wanaaga
ku jirin, sababta midibkiisane dhibootooyin badan oo marnaba
qof biliaadan ah oo damiir leh raali ka noqon karin kula kulmo.
Ardayda somaalida ah ee gaara heerka jaamacad aad ayeey u yaryihiin,
saasta ay tahay hada waxeey sameeysteen urur arday oo gooni
u ah, iskuna dayaayaan in ay la mid noqdaan ardayda kale ee
jaamacada la dhigta, isla markaasna ah ajnabiga sidooda oo kale.
Jaamacada Oslo waxaa wax looga bartaa luuqada norwiijka iyo
sidoo kale tan ingariiska. Waxaana dhigta arday aad u tira badan
qaybahaheeda kala duwan jaamacadaa Norwey ee Oslo, ardaydaas
oo ka kala yimid waddanka gudahiisa iyo dibadiisa, watana diima,
midabo iyo dhaqama kala duwan. Tayada waxbarashada iyo cilmiyada/maadooyinka
kala duwan ee laga barto jaamacada Oslo ee Norwey waa kuwa ay
tayadoodu aad u sareeyso, lana socoto dunida horumartay ee maantay.
Aqriste la soco qaybta sadaxaad oo aan ku soo qaadan doono,
arimaha aad in badan dhegaha ka maqashay, amaba laga yaabo in
aad la kulantay dad ku dhaqma oo kala ah separation/kala-guuris
lamaanaha is-qaba iyo single mother/hooyo kali ah !!
Aqristaha sharafta badanow waxaan si naxariis leh kaaga codsanaa
in aad i soo dirtid wixii qalad ah oo aad ku aragtid qoraalkaygaan.
Sidoo kale hadii aad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax
saaid ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida
reer Norwey igala soo xariir imailadaan: samsam_1989@hotmail.com,
ama ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga
ku saxiixan amar la'aana lama daabacan karo, mana la qaadan
karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga
helo qoraaga sheekada iska leh.
Shacabka Somalida Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Somalispeaker | Editorial & Adminstration Board
© Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya