Barnaamijka
Socdaalka Aduunka
|
Qeybta
3aad
"Norwey iyo Soomaalida Degen"
W/Diyaarisay:- Ifraax Yusuf Ahmed
Somalispeaker Bergen,
Norway
Halkaan Ka Eeg Barnaamijka Socdaalka Qeybtii Kowaad |
Ifraax Yusuf
FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
Faaladii sadaxaad ee "Norwey iyo Soomaalida
Degen!"
Aqristaha qaaliga ahoow maxaa sababay in caruurta soomaaliyeed
ay la wareegaan hey'adaha badbaadinta iyo xanaaneeyta caruurta
ee ka jira dalalka Galbeedka? Maxaa sababay in habeen iyo maalin
lamaahana soomaaliyeed guryahooda oo ka shidanyahay dab aan
damin, oo ay isku noqdeen yaanyuur iyo dooli shabaq la iskula
xiray? Maxaa ka jira in maantay ay jiraan caruur somaaliyeed
oo aan la hubin in ay ku dhasheen wadda sax ah( micnaha ay dhaleen
lamaane diin ahaan isqaba)? Bal adba Aqriste!
Hooyada kaligeed nool oo aan qoraalkaan kaga hadlaa maahan hooyada
ay DHABTA tahay in ninkeeda furay, dhintay, ama uusan la nooleen
oo kaligeed caruurtoooda heeysa ee yaanan lagu qaldamin. Dabcan
hooyada xagga Rabi ninkeeda looga yimid oo ay jirta sabab cad
oo ku qasabtay in ay noqoto hooyo kale ah, xaq ayeey u leedahay
caawin dhaqaale iyo waxkasta oo booska ninkeeda u buuxin karo
in ay raadsato si ay kaalinta barbaarinta iyo horumarinta ilmaheeda
kaga adkaato, oo ay ugu guuleeysato hooyonimada iyo waalidnimadaba.
Single motherka aan ka hadlaa oo aan qoraalkaan ku muujinaa
waa midka sababta dhaqaale loo diwaan gelshay, oo ayadoo ninkii
shaqeysanaa, ay iskula heshiiyaan asiga iyo xaaskiisa, amaba
ay xaaska oo kaliya wadata arinka ah in dowladu BEEN loo sheego
si DHAQAALE SAAID LOO HELO!
Markii aan darsay arinkaan ah in ilmaha soomaaliyeed kuwa badan
oo ka mid ah ay la wareegto hey'ada badbaadinta iyo xanaaneeyta
caruurta iyo cabsida ay ka cabanaayaan soomaalida gaar ahaan
waalidiinta dhibaatada ay ku heeyso hey'adaas ilmahooda waxaan
arkay in ay sabab u yihiin waxbaayo badan oo diinteena islaamka
ah ay naga xarimtay in aan xalaaleysanay hadii aan nahay soomaalida
ku nool Galbeedka. Kadibna Illaah gargaarkiisa iyo naxariistiisa
aan weeynay taasna ay sababtay in somaalida maantay ilmahooda
gaalo la wareegaan oo guryo duufaar iyo khamri sida raashin
oo kale loogu isticmaalo lagu koriyo. Waxaan ka mid ah sababaha
keenay dhibkaan iyo kadeedkaan ku dhacay soomaalida Galbeedka
kuwa soo socdo, kuwaas oo ku qoran jadwalka aan u baxshay Jadwalka
musiibada oo ah jadwal loo diyaarshay si loo burburiyo nolosha
lamanaaha isqaba iyo jiilka soomaaliyeed ee hada aqliyeeysanaa
sidaan ayuuna ku bilaabanaa jadwalka oo wata sababihiisii oo
leh xumaantooda iyo wanaagooda yar:
In Illaah laga furto ileen Rabi ka cabso iyo Ragg iska celi
meel ma wada galaane: Waa dhab soomaalida ku nool Galbeedka
Illaah waa ka furteen intooda badan. waxaana lagu kufriyay badbaadii
iyo naciimadii oo kaga soo qaaday dadkaan gaalada ah oo aan
qof muslin ah marnaba asxaan u heynin. Isla markaasna been iyo
qiyaano oo ah halka shay oo qofka muuminka ah Illaah iyo Rasuul
rumeysan laga xaaraantinimeeyay ugu dhaqmaa sida wax caadi ah,
ayagoo beeniyay diintii suubaneyd oo beenta iyo qiyaanada xaraantinimeysay
waa tan Islaamkee.
Alwaaxa
Hore Ee Kaniisada Norwegian Stave Church| Photo © Encyclopedia
Isla markaasna u sheega gaalada been habeen iyo maalin si ay
dhaqaale u helaan, waliba mid uusan afkaga karin aqriste oo
xaada jirkaaga la jiriricooneyso hadii aad maqashid oo kali
ah in aad sheegtid iska dhaafe. Maxaayeelay waa GAALO, loomana
baahna in run loo sheego ayeey aaminsanyihiin dadka soomaalida
ah badankood ee la nool gaalada. Diinteeyna waxeey ku faree
in aad noolaha dhamaan RUN iyo XAQIIQO jirta kula dhaqantid,
taasna waa sababta Rasuulka C.S.W u xaaraantinimeeyay in xataa
ilmaha aan waxba garanin been si uun loogu sheego, si looga
hortago in cunugu been barto biritane wax caadi ah u arko oo
kula dhaqmo bulshadiisa. Dabcan Rasuulkeena C.S.W waxuu ahaa
macalinka tarbiyada wanaagsan iyo horumarka dunida, hadii aan
hal ilbiriqsi ee nolosheena ka mid ah aan ku daysan laheeyn
oo aan raaci laheeyn wadadiisii toosneed waxaa hubaal ahaan
laheeyd in aan libaani laheeyn. Laakiin ma dadkaan beenta nolosha
ka dhigtay, mooda in ay irsaaqada u weeyn doonaan hadii ay runta
sheegaan miyaa noqonaa dad xataa jila oo isku daya in ay wax
uun tarbiyada iyo dhaqanka wanaagsanaa ee Nabi Muxamad C.S.W?
Waa MAYA! Waxeeyna beentu ka mid tahay calaamatul manaafiqiin,
oo sadaxda walxood oo qofka munaafaqa ah Rasuulka CSW ku tilmaamay
ayeeey soo gashaa oo kala( Balan ka baxa, beenta iyo qiyaanada
Amaanada) dabcan sadaxdaas calaamad oo munaafaqa diinta xaqiraa
leeyahay qofkii mid ka mid ah lagu haayo qatar ayeey ku suganyahay.
Waxaana hubnaa maantay in soomaalida hadi sadax loo qaybsho
laba qayb soo geli doonaan Munaafiqiinta diintu noo cadeeysay.
Waddankaan waxaa joogo wiilal hooyayaashood waa xaasaskeena
ku keenay, iyo dad badan oo aan guur iyo is dhal dhex mari karin
oo isku kabay si ay ku yimaadiin Galbeedka. Soomaalida Galbeedka
waxeey been ka sheegaan da'adooda, ilmahooda, gobolada ay ka
soo jeedaan iyo magacyadii ay waalidkooda ugu wanqaleen.

Henrik
Ibsen Gabyaaga Caanka Ah Ee Reer Norway Qarnigi 19aad | Photo
© Encyclopedia
Beenta
iyo ilmaha wacalada ah waa wax banaan, oo waa badbaadada Nolosha:
In waalidiinta soomaaliyeed ay dowlada u sheegaan been ah in
aysan is-qabin ayagoo sharciga"diinta islaamka" isku-qaba,
micnaha si qarsoodi ah isku qaba, oo ninka habeenkii markii
dunida mugdi noqoto asoo dhuudhuumanaa guriga soo galo, oo dantiisa
ka guto xaaskiisa, kadibna iska baxo. Hadii ay uur yeelatane
dowladu loogu sheekeeyo in ilmahaas saaxiibtinimo lagu dhalay,
oo micnaheedu tahay in ilmahaas magaca hooyadood rejiistarka/diwaanka
dalka loo gelsho, ayada oo kale ah ay masuul ka tahay hadii
ay dhimatane dowlada ay si toos ah ula wareegi doonto cunugaas
danbi laawaha ah birito. Waxyaabaha ugu xun oo arintaan sida
xun u sii dheerigelay (inkasto hada la isku dayaa in laga hortago,
wadaado badan ku baraarugeen meesha maashu ka dareeree, maxadirooyin
badane ka sameeyay arinta kala taga iyo hooyada kaligeed ah(
laakiin ninkeeda noolyahay, oo ay weli ilmu is dhalaayan) ayaa
ah in wadaadada oo ah dadkii dadka soomaaliyeed u sheegaayay
in ay ka dheeraadaan beenta iyo qiyaanada ay dhaqaalaha ku heelaan
in ay wadaado kow ka noqdeen. Oo ninkaas ama gabadhaas sheeganeyso
diinta, ama dadka ka waanineysa dhaqaalahaan xaaranta ah ay
ka midyihiin kooxdaas noloshu ka wareertay, oo ninku yahay nin
marwadiisa ay singel mother dowlada ka agtahay saasta ay tahay
sanad walba uur yeelato, oo cunuga saaxiibtinimo ku dhasho!
Gabadhu ayada singel mother ah ninkeeda in ay kala tagen dowlad
Norwey uun ay la ogtahay, laakiin somaalida iyo reerkeeda in
la qabo ayeey ku ogyihiin!
Dhaqaale waa Muhiim, waa in aad isku filnaantid: Cajabnay ayaan
maqli jiray Maxaa keenay arinkaan Aqristoow? 1. dhaqaale: somaalida
dadka la yiraahdu hungurii weeynin cudur la yiraahdo oo musiiba
ah ayaa lagu ebtileeyay, oo ayago lacag raadinaa ayeey damceen
in ay ilmahooda yaryarka ahaa wacalo ugu yeeraan, si hooyadu
kaligeed (singel mother) u noqoto kadibna dowlada u biisho,
oo ay lacagtaas qaarna qaraabadeeda u dirsato, in ayuuto ku
gasho, inna guriga ku sharaxdo, dahab isku tixdo, aroosyadane
ku aado, oo habeenkii goor xil ka timaado, ayadoo dabcan ilmahii
ayaga masuul iskaga dhigtay. Ninkaana asna dantiisu waa inuu
xoolo u tabcadu oo qaraabadiisa u biilo, dabaqyo aan la aqoonin
waxa u degaa ka taago dalkii hooyo ama dal kale oo ku yaalo
carabaha ama afrikada. Sidoo kale inuu bixiyo qaaraanka beeeshiisa,
si dadka masakiinta ah oo dalkii kaga soo tagay loo laayo oo
mid ba'ay iyo mid haaday looga dhigo. 2. Jaad/qaad cunow jadwalka
musiibada kow ayuu ka yahay, waaana baasiinka sii horiyay dabkii
iyo dagaalkii lamaanaha ka dhex kacay markay soo galeen dalkaan
iyo noloshaan cusub. Anagoo og in dhaqanka ragga somaaliyeed
markii laga hadlaa la dhaqanka dumarka ay qabaan inuu aad u
liita, ama ay raggu yihiin kuwa kaligood-taliyaal ahaa, isla
markaasna dumarkooda qaladaad iyo dhibaatooyin badan oo ay ugu
geysteen dalkii hooyo ka tabanaayaan, ayaa ayadane sababtay
in dumarka awood dhaqaale iyo afba dad ku caawinaa ay heleen,
oo ay diyaar u yihiin in ay ka aarsadaan ragga somaaliyeed oo
shalay awoodoodii sida qaldanaa u isticmaalay.

Dhulka
Qorax haweenaadka ee norway Bodo, Norway | Photo © Encyclopedia
Isla markaasna ka gaaraan isku filnaashu dhaqaale,
oo ragga ka maarmaan! maxuma fekradu! Balsa ma ila aragtaa in
aan si fudud u dhihi karno in ay dumarkane meeshaas kaga wareertay
oo ay waddo ka xaaraan ah wax ku doonteen? Waxaana sidoo kale
la beenin karin in nimanka soomaalida ah ay caadu ka dhigteen
la tumashada naagaha jirkooda gada oo guryaha kaga furanyihiin
meelkasta oo ragga wax magaratada ah ee shahwadooda caabuda
ku bataan iyo ciyaal suuqnimada faraha ka badatay oo aan indhaha
la siisan karin ee ka jirta dal kasta haba u badnaadaan dalalka
reer Galbeedka oo dadka ku nool fawaaxishta ka ganacsadaan,
wax caadi ah oo nolosha ka mid ah u arkaan. Isla markaasna sida
in fawaaxishtu tahay wax wanaaga bulshada iyo horumarka aqliga
saafiga ah ku jiraan u faafiya ayaa raggii soomaalida ahaa dhinacooda
ka dabaasheen, mustaqbalkoodii mugdi gelshay, kana leexiyay
wadadii xumaan ka yaaqyaaqsiga iyo ceeb ka cararka, oo hada
wax ay ka naxaan ama ka xishoodaan ma jiraan. Waxeeyba gaareen
heer ay ku faanaan la tumashada naagaha xaaranta ah, ee u dhashay
dalalka islaameed, qamriga dadka hortiisa lagu cabaa iyo daroogo
isticmaalka iyo ka ganacsigeeda!! Waxeeyna natiijadii noqotay
in ay buuxin waayeen baahidii iyo masuuliyadii ka saarneed dumarkooda,
iyo caruurtooda. Kadibna maseerka iyo hinaasi badan oo ay keentay
la-tumashada naagaha islaameed ku dudumaan guryo badan, ilmo
badan gaalo ku qaadatay, ragga badane boorsadahoodii loogu tuuray
oo qaboow dilay, marwooyin badan nimankoodii iyo aabayaashii
ilmahooda ku waayeen oo guur la'aan lagu casuumay inta nolosha
kaga hartay.
Waa in aad dhaqaale xoog leh ku bixisid kala qaybtinta soomaalida
iyo baabi'inta qabiilkasta oo ka soo horjeeda jiritaanka qabiilkaaga:
Waxaa kale oo ka mid ah jadwalbka musiibada oo loo sameeyay
dadka la yiraahdo SOMAALIDA in ay jiraan dad qaadaa masuuliyad
ayaga ka weeyn, oo ay waliba ku dayacaayaan midii birito Rabi
kula xisaabtame doono. Waalidiinta iyo qaraabada looga soo tagay
dalka somaaliya, waxeey ku qasbaan caruurtooda oo ah dabcan
lamaanaha is qabe ee ku nool Galbeedka maantay in ay u soo diraan
dhaqaale joogta ah, ayagoo aaminsan in Galbeedka (Yurub iyo
Waqooyiga Ameerika) in ay taalo lacag aan la isku xisaabinin
oo darbi laga soo daldalo. Waxaana la gaaray heer shaqsi walba
oo soomaali ah lagu xakumo oo ayba noqotay waajib saaran inuu
baxsho lacag loogu yeero (qaaraan) oo lagu taageeraa dagaalada
QABALIGA AH ee ka jira dalka Soomaaliya. Isla markaasna qofkii
diido bixinta lacagtaas waxaa la sheegaa in la deeyriyay, oo
uusan ka mid aheeyn dadka wata magacaas qabiil ee xaqiiqa ahaan
xaqiraad iyo in laga xishooda mudan in la sheegto ku dhaqankiisa
iyo dhaqaale ku bixintiisa iska dhaafe. Sidaas darteed somaali
oo aad taqaanaan in ay yihiin dad qadariya sharafta waxa qabiilka
lagu sheego iyo shar isku kaashiga, waxeey iska ilaalinaa in
ay dadka ka faquuqmaan, oo isku dayaan in ay bixiyaan tiro kasta
oo ah lacag qaaraan. Xataa kuwa diin sheeganaa oo quraanka iyo
xadiiska kuu aqrinaa ayaa bixiya lacagtaas ayagoo u raadinaa
lacgata ay ku taageeraan gumaadka iyo hirgelinta waxa qurunka
ah ee QABIILKA marmarsiyaha ah in lagu caawinaa dad jirin, in
iskuulaad lagu dhisaa, in lagu dhisaa isbitaalo iyo in caruur
caafimaadkooda liito, ama aan laheeyn waalidiin lagu taageeeraa.
Dabcan waa ogyihiin dhamaan dadka bixiya lacagaha ay aruuriyaan
qabiilada, ama magaca qaaraan lagu aruursho in dabka ka shidan
dalkeena hooy lagu soo huriyo, oo lacagtaas tahay baasiinka
ololka iyo qiica ka baxaa dabka inuu folkaan isku bedelo sababo,
somaalidane la iskugu diro, fekerkooda iyo midnimadoodane waddaniyadna
lagu sii kala fogeeyo.
Waxaan hubaa in dadka badankood aysan fahansaneen micnaha ka
danbeeya Jadwalka Musiibada, laakiin ay ku dhaqmaan ayagoonan
is ogeen. Bal hada qof walba oo naga mid ah ha ka raadsho noloshiisa
waxyaabo ka mid ah JADWALKA MUSIIBADA!, hana isku dayo inuu
si dhaqsi leh kaga baxsho.
Kow iyo laba midna ma joogo qoraalka Jadwalka Musiibada oo ah
jadwal loo diyaarshay si loo burburiyo nolosha lamanaaha isqaba
iyo jiilka soomaaliyeed ee hada aqliyeeysanaa
Kaniisda
Stave Church Borgund, Norway | Photo © Encyclopedia
Fiiro Gaar Ah
EE Aqriste la soco qaybta afaraad oo aan ku soo qaadan doono
sababaha aan soo sheegay qarkooda qasaarada ay keeneen, iyo
mustaqbalka mugdiga ah oo ay gelsheen midnimada iyo isku kalsoonaanta
lamaanaha is qaba, iyo waliba qaxarka iyo qaracanka ay arintaas
gaarsiisay caruurta guryahaas ku nool.
Aqristaha sharafta badanow waxaan si naxariis leh kaaga codsanaa
in aad i soo dirtid wixii qalad ah oo aad ku aragtid qoraalkaygaan.
Sidoo kale hadii aad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax
saaid ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida
reer Norwey igala soo xariir imailadaan: samsam_1989@hotmail.com.
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar
la'aana mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga
sheekada iska leh.
Shacabka Somalida Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Somalispeaker | Editorial & Adminstration Board
© Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya