Bismillahu Raxmani Raxiim!!!!
Shabakada Somalispeaker waa Shabakad Warbaahineed Aan Dowli
aheyn tasoo Dhismaheeda ee iska kaashadeen Aqoonyahano iyo Wariyayaal
Qibrad u leh Howlaha Saxaafada ayagoo Taageero ka Helaya Hey’ada
Caalamiga Firdows Publishing Co. oo ah Hey’ad Maalgeliso
saxaafada iyo Shirkadaha Daabacaada iyo Kuwa Vedio-ka.
Shabakda Somalispeaker waxaa la Aas’aasay Ka dib markii
Aqoonyahanada ku bahoowday Shabakada Somalispeaker kuwaasoo kukala
nool Dalka Dibadiisa iyo Guduhiisa ee arkeyn baahida ee u qabaan
Bulshda soomaaliyeed Dhinaca Wacyigelinta ha ahaato Xaga CaafimaadKa,
Xaga Jaahilnimada Amaba Xaga Nabada.
Aqoonyahnadaas ayagoo isweydiinaayaan sida ama qaabka Bulshada
Soomaaliyeed ee uku soo gudbin lahaayeen Barnaamijyadaas ayee
waxay go’aansadeen in ee aas’aasaan Shabakad Warbaahineed
si ee bulshada uku soo gudbiyaan Barnaamijyada kor kusoo xusnay,
Shabakadaasoo aanu ku Saleysneyn u shaqeynta Xag Qabiil, Xag
Urur, iyo waliba Xag Dowlad , ee Dhamaan Aqooyahanadaas ayaa
ku baheysan u adeeg Danta Guud iyo Shacabka.
Arimahaas oo dhan ayaa waxaa tusaale u ah qaabka shaqo ee Shabakda
Somalispeaker u shaqeyesa tasoo ku tusineyso in awooda uu san
hal qof ku tagrifali Karin ama Barnaamij iyo Warbixin aan Tafatirneyn
ama aan soo marin Qeybaha (Board) kala duwan ee shabakada Somalispeaker
in la soo Daabici Karin.
Shabakda Somalispeaker waxay leedahay Labo (2) Qeyb (Boards),
Qeybkasta waxay ka badax banaan tahay mida kale.
Qeybta Adminstartion Board oo ah Qeybta Maamusha Howlaha Shabakada
sida Howlaha Xafiisyada kala Duwan Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha,
Xafiiska Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Qalabeynta Iyo Xayaysiiska iyo Xarumaha Shabakda ee ku yaala dunida oo dhan.
Qeybta Editorial Board oo ah Qeybta Maamusha Barnaamijyada,
Fikaradha Dadweynaha, iyo wararka laku soo Daabacaayo Shabakada
ayagoo Maraayo qaabab kala duwan, tusaale ahaan aqriste ama
wariye ayaa soo diray warbixin uku horeyn warbxitaas waxee ku
dhaceeysaa E-mailka Editorial Board uu Madax u yahay Tafatiraha
Guud (Editor-in-chief) eena xubin ka yihiin Tafatirayaasha Barnaamijyada
sida Caafimaadka, Cayaaraha, Diinta markee ee intaas ee go’aan
ka gaaraan ayaa laku daabacayaa shabakada hadii ee wax la talin
ah u baahdaan waxay la xiriiraan Qeybta La-Taliyayaasha (Advisors
Board).
Waxaa kaloo jira Qeyb sadexaad taasoo la shaqeysa labada Qeyb
waa Qeybta La-Taliyayaasha (Advisors Board) Qeybtaan maka mid
aho shabakada waa qeyb ee madax ka yihiin shaqsiyaad sharaf
kaleh shacabka, waxaana soo magacaawo shaqsiyaadkaas labada
qeyb ee ka koobantahay Shabakda Qeybta Editorial Board iyo Qeybta
Adminstartion Board E-mailka Qeybtaan waa mid qarsoodi ah.
Fadlan Hadii Aad Dooneysid Faahfaahin Dheeri Ah Ee Ku Saabsan
Shabakda Somalispeaker Ka Eeg Bogageena About Us Iyo Bureaus,
Contact Us iyo Programs
Wabilaahi Tawfiiq
Bahda Tafatirayaasha (Editorial Board).
Bahda Maamulka (Administration Board).