Bismillahu Raxmani Raxiim!!!!
Dhamaan barnaamijyada ka baxa Shabakada Somalispeaker waxaa daadihinaayo
Aqoonyahano, Wariyayaal iyo Majaajiliistayaal kuwaaso Aqoon
iyo Qibrada u leh dhamaan barnaamijyada kabaxa Shabakda SomaliSpeakler,
barnaamijkasta waxuu leeyahay barnaamij soosaare (Producer)
iyo tafatire (Editor) u qaas kuwaasoo howshiisha maamula.
Barnaamijyada kabaxa Shabakda Somalispeaker waxay kala yihiin:
1. Tahniyada & Salaamaha
2. Socdaalka Aduunka
3. Ganacsiga Iyo Technology-Ka
4. Caafimaadka Iyo Arimaha Buslhada
5. Cayaaraha
TAHNIYADAHA & SALAAMAHA.
Barmaamijkaan TAHNIYADAHA & SALAAMAHA waxaa dhamaan aqristayaasha
isugu diri karaan Salaamaha & Tahniyadaha meelkasta ee jogaan,
aha ahaadaan Tahniyadaha Salaamaha Ciida, Aroosyada, Dhalashooyinka
iyo salaamaha caadiga ah.
ayagoo emailada inoo kusoo dir karaan sawirada dadka salaanta
ama dhanbaalka diraya magacyadooda & wadanka ay ku nool
yihiin iyo waliba dadka ay salaanta udirayaan magacyadooda &
wadanka ay ku nool yihiin. Sidaa oo kale dhanbaalada arooska
& ciidaha. Adeegan waa bilaash.
SOCDAALKA ADUUNKA.
Barmaamijkan SOCDAALKA ADUUNKA waxaan ka soo diyaarineeynaa
soomaalida ku kala nool aduunka dacaladiisa aha ahaadaan kuwa
gudaha ama kuwa dibada ku nool. Waxaan Adeegsan doonaa hadii
Alle raali ka noqdo qalabka isgaarsiinta taleefonada amaba anag
si toos ah u xadiri doono goobtaas kolkaas oo aanu ka soo tabin
doono barmaamijkaa, anagoo diirada saari doono, Arrimaha Dhaqaalaha,
Nabbada, Ganacsiga, Dhaqanka IWM.
GANACSIGA IYO TECHNOLOGY-KA
Barmaamijkan Ganacsiga Iyo Technology-ka waxaan uga hadli doonaa
arrimaha ganacsiga iyo kombiyuutarada & internetka, barnaamijyada
chatting-ka (msn, paltalk, skyp) iyo arimaha ganacsiga dunida
iyo kuwa somalia.
Anagoo warbixinadeena ka soo xigan doono wargeysada caalamka
ee ka faalooda Ganacsiga Iyo Technology-Ka.
Waxaan sidoo kale fiirin doonaa boggaga soomaalida kuwooda waxtarka
u leh bulshada anagoo wareysiyo toos ah la yeelan doono madaxda
iyo taftirayaasha boggogaas. Waxaan kaloo wareysiyo toos ah
la yeelan doono qaar ka mid ah ardayda jaamacada kuwaaso barta
Ganacsiga Iyo Technology-ka ama kuwa aqoonyahnada shahaadooyinka
k aheysta Ganacsiga Iyo Technology-Ka.
CAAFIMAADKA IYO ARIMAHA BUSLHADA
Barmaamijkan Caafimaadka Iyo Arimaha Buslhada waxaan uga hadli
doonaa Arrimaha Caafmiaadka iyo bulshada gaar ahaan arimaha
Waxbarashada, Diinta, Degaanka, kuwaaso quseeya bulshaweynta
somaaliyeed iyo gabi ahaanba caalamka oo dhan.
anagoo dadweyanah nasoo wediin doonaan su’aalo &
Jawaabo ku saabsan Caafimaadka Iyo Arimaha Buslhada.
CAYAARAHA
Barmaamijkan cayaaraha waxaan uga hadli doonaa arrimaha cayaaraha
ahaadaan yurub, asia, afrika iyo somalia, anagoo warbixinadeena
ka soo xigan doono wargeysada caalamka ee ka faalooda cayaaraha
sidoo waxaa xusi doonaan taariikhda hore ee cayaaraha caalama
ha ahaadaan kuwa kooxaha, ciyaaryahanada, iyo shaqsiyaadkii
caanka ku ahaa arimah cayaaraha.
Fadlan Hadii Aad Dooneysid Faahfaahin Dheeri Ah Ee Ku Saabsan
Shabakda Somalispeaker Ka Eeg Bogageena About Us Iyo Bureaus,
Contact Us iyo Programs
Wabilaahi Tawfiiq.
Bahda Tafatirayaasha (Editorial Board).
Bahda Maamulka (Administration Board).