Xaflad Si Heer Sare Loo Agaasimay Oo Ka Dhacday Xarunta labaad Ee Shabakada Somalispeaker Ee Magaalada Mogadishu - Somalispeaker Editorial Board
Xarumaha Shabakada Warbaahinta Somalispeaker – Admin & Editorial Board
FAAFIN - Somalispeaker Editorial Board, Nairobi , Kenya
Xaflad Si Heer Sare Loo soo Agaasimay Oo Ka Dhacday Xarunta Labaad Ee Shabakada Somalispeaker Ee Magaalada Mogadishu ayaa laku Furay Shabakada Wararka Ee Somalispeaker.
Xafladaas oo ee ka soo qeybgalaan Aqoonyahano, Culumaa'udiin, Dakhaatiir, Ururada Saxaafad, kuwa Xuquuqu Aadanaha, Madax ka socotay Wakaaladaha Wararka Caalamka iyo waliba madax ka socotay Shabakada Somalispeaker kuwaoo qaar ka mid qadka talefoonka uka qeyb galay.
Uku horeyntii waxaa xafladaas furay mid ka mid ah wakiilada Shabakda Somalispeaker Ee magaalada Mogadishu, asagoo xusay in Shabakda Somalispeaker ee ka dhaxeyso dhamaan somaliweyn oo dhan ahadaan somalida ku nool qurbaha ama kuwa ku nool gudaha asagoo intaas ku daray in eysan Shabakada aanu ku Saleysneyn u shaqeynta Xag Qabiil , Xag Urur , iyo waliba Xag Dowlad ee dhamaan aas'aasayaasha shabakdaanu ay ku baheysnaayeen u adeeg Danta Guud iyo Shacabka .
Waxaa isna halkaas ka hadlay Hasan Abdi oo ka mid aha aas'aasayaasha Shabakada Somalispeaker asagoo ka hadlaayay sababihii loo aas'aasay Shabakda Somalispeaker ayaa waxa uu yiri “ Ka dib markii Aqoonyahanada ku bahoowday aas'aasida Shabakda Somalispeaker kuwaasoo kukala nool Dalka Dibadiisa iyo Guduhiisa ee arkeyn baahida ee u qabaan Bulshda soomaaliyeed Dhinaca Wacyigelinta ha ahaato Xaga CaafimaadKa , Xaga Jaahilnimada Amaba Xaga Nabada , Aqoonyahnadaas ayagoo isweydiinaayaan sida ama qaabka Bulshada Soomaaliyeed ee uku soo gudbin lahaayeen baahidaas ee qabaan ayee waxay go'aansadeen in ee aas'aasaan Shabakad Warbaahineed si ee bulshada uku soo gudbiyaan wacyigelinta.
Shabakadaasoo aanu ku Saleysneyn u shaqeynta Xag Qabiil , Xag Urur , iyo waliba Xag Dowlad , ee Dhamaan Aqooyahanadaas ayaa ku baheysan u adeeg Danta Guud iyo Shacabka taasina waa sababta loo aas'aasay”, Hasan Abdi asagoo uku baaqayo Hey'adaha Caalamka iyo Maamulka haatan gacanta ku Haayo Shabakda SomaliSpeaker waxuu yiri “ waxaa Hey'adaha caalamka siiba kuwa ku lugta leh arimaha saxaafada uku baaqayaa in ay gacan taageero siiyaan shabkadaan si ay howla bulshda u heyso u fuliyaan waxaan sidoo kale maamulka haatan gacanta ku haayo ayagane uku baaqayaan in ee howshooda ee si wada jibaaraan si ujeedada loo aas'aasay loo fuliyo”.
Agaasimaha Guud ee shabakda Somali speaker Shariif Sh. Max'ud oo asagoo ku sugan dalka dibadiisa qadka telefoonka oo ka qeybgalaayay xafladaas ayaa ka qeybgalayaasha xafladaas u balanqaaday in shabakda somalispeaker ee masraxa saxafada somaliya la imaan doonto barnaamijyo loo ka baran saxaafada somaliya kuwaasoo wax tar u leh shacabweynaha somaliyeed.
asagoo intaas ku daray in shabakadaanu ee ku shaqeyn doonto dhexdhaxaadnimo iyo howlgarnimo, agaasimaha shabakda ayaa sidoo kale waxuu faahfaahin ka bixiyay xarumaha shabakda iyo shaqaalaha shabakda waxuuna carabka ku dhuftay in shabakda Somali speaker ee leedahay 8 Xafiis ( bureaus) oo kukala yaalaan 6 Dal ( countries) oo Qaradaha Dunida ka mid ah, asagoo intaas ku daray in ay sii kordhin doonaan xarumahaasi waxuuna ka qeybgalyaasha u sheegay in Xarunta Dhaxe Ee Shabakada Somalispeaker ee ku Taalaa Magaalada Madaxda Dalka Kenya ee Nairobi , Xarunta Labaad (2) Ee Shabakada Somalispeaker ee tahay Magaalada Madaxda Dalka Somalia ee Mogadishu Halkaasoo ee ku sugan yihiin wariyayaal iyo wakiilo ka tirsan Shabakada meeshaasoo wararka iyo warbixinada uka soo diraan xarunta dhaxe ee Nairobi.
shaqaalaha shabakadu hada u shaqeeya waxay gaarayaan ilaa 12 kuwaasoo isuku jira Tafatirayaal, Sawiraqaadayaal iyo Shaqaale kale, waxuuna xusay in bishaan soo socto qaadan doonaan shaqaale cusub kuwaaso maraayo imtixaan.
C/Wali Yusuf oo ka socda Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliya ( nusoj ) oo ka mid ahaa madaxda halkaas qudbada ka jeedisay ayaa waxuu qudbadiisa ku xusay in haadan waxii ka damebeeyay shabakda somalispeaker ee ka mid noqotay wakaaldaha ku bahooway Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliya ( nusoj ) eena tahay wakaaldii uku dameysay ee ku biirtay nusoj, aanu fileyno in ee wax badan kusoo kordhindoonto saxaafada,somaliya.
Waxaa uku damebyntii hadalka soo gabgabeeyay madaxa Barnaamijyada Shabakda Somali speaker Najiib C/Risaaq asagoo ka mid madaxda qadka telefoonka uka qeybgashay xafladaas waxuuna gabagabadii xafladaas ka sheegay barnaamijyada kabaxaayo shabakda somalispeaker.
asagoo xusaya barnaamijyadaas waxuu yiri “barnaamijyada ka baxa shabakada Somali speaker waa barnaamijyo wax tar u leh dhamaan shaxabka somaliya kuwooda ku noon gudaha iyo dibada, waxaa daadihinaayo Aqoonyahano, Wariyayaal iyo Majaajiliistayaal kuwaaso Aqoon iyo Qibrada u leh dhamaan barnaamijyada kabaxa Shabakda SomaliSpeakler barnaamijkasta waxuu leeyahay Barnaamij Soosaare ( Producer ) iyo Tafatire ( Edito r) u qaas kuwaasoo howshiisha maamula waxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay barnaamijyada ka baxa shabakda kuwasoo kala ah Tahniyada & Salaamaha , Socdaalka Aduunka , Ganacsiga Iyo Technology-Ka, Caafimaadka Iyo Arimaha Buslhada, Cayaaraha.
Xafladaas oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa intii qudbada mas'uuliyiinta socotay waxaa dhextaal u ahaa majaajaajilo, heeso iyo riwaayado kuwasoo soo bandhigaayeen faanaaniinta HORYALBAND.
Halkaan Ka Eeg Siyaasada Guud Ee ku Shaqeysa Shabakada Somalispeaker - Editorial & Adminstration Board
© Somalispeaker Editorial Board - Nairobi , Kenya